HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka jaray Wershadda Boodhari Mills

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka jaray Wershadda Boodhari Mills

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray furitaanka Wershadda Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills oo si rasmi ah u bilowday wax-soo saarkeeda, kaddib muddo saddex sanno ah oo la diyaarinayey dhismaha wershadda iyo maalgelinta Beeraha dalagga Qamaddiga.

blankMunaasibad loo sameeyey daah-furka Wershada oo lagu qabtay barxada wershada oo ku taala Deegaanka ABAARSO ee duleedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Qaar Ka mida Saamilleyda Boodhari Mills,  Wasiirro, Ganacsato, madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo tirro baddan.

blankGuddoomiyaha Shirkadda BOODHARI MILLS Cabdiraxmaan Sheekh  Ahmed Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Inaynu ku salleyno Wershadayn ka kooban bulshada oodhan, oo sided boqol (800) oo reer Somaliland ahi ay soo maalgashadeen,taasi keligeed iskamay iman. Maanta Waxaynu haysanaa 32-qof oo wakiillo dunidda dacaladeeda ku kala nool oo ay Somaliland ku jirto, oo qofkasta uu daadkiisi keenay waana Social Capital, ee qof kaliyi ma hir-gelin karo. Waxaan isku maray 11-Waddan iyo 19-Magaalo oo adduunka ka kooban oo si weyn na loogu soo dhaweeyey”.

blankWershadani (BOODHARI MILLS) waxay dabooli doontaa 10% (Boqolkii-ba tobban) daqiiqda dibadda inooga soo degta imika. Waxaanay Boodhari Mills rajeynaysaa 30% ilaa 40% (Boqolkiiba Soddon ilaa Boqolkiiba Afartan) Wejigeedda 2aad iyo Wejigeeda 3aad. Markay noqoto meel sugnaanta cuntada dalka, sixir-bararka iyo shaqaalaha-ba ka dawo noqon karta.”

“Waxaanu Mallaayiin Dollar ku maal-gelin doonaa, beeralayda dalka, Beeraha waa-weyn ee casriga Adduunka sida loo sameeyo, taana imikaa gacanta lagu hayaa, “Hawsha noocan oo kale ahi waa hawl qaran”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sheekh.

blankMaareeyaha Waaxda Maalgashiga ee Boodhari MillsMustafe Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Saamilleyda shirkaddu 45% (Boqolkiiba shan iyo Afartan) waa Dumar, kharashkii wershada lagu dhisay oodhan waa la bixiyay, wax maanta laynagu leeyahay ama ammaahi ma jirto. Saamilleydayada ka soo jeedda Puntland waanu u mahad-naqaynaa, oo waxaan leeyahay waan idiin soo socdaa”

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida Saamilleyda Shirkadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, ayaa waxay uga mahad-celisay guud ahaan dadweynihii ka soo qeybgalay Xaflada daah-furka Shirkadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, waxaanay tidhi “Shirkaddan Daqiiqda ee Boodhari Mills waa meel muhiima, waxaanay kaalin weyn ka qaadan doontaa wax soo saarka dalka, shaqo-abuurka, iyo inaynu wax isku darsanno”

blank“Hablaha waxaan leeyahay haddii wax kale laynoo diiday waa inay beeraha fallano, oo aynu wax soo saarano,isla markaana  aynu noqono dad awood leh oo lacag abuura cid kasta way inoo baahan doontaa”. Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib.

blankLa-taliyaha Madaxweynaha Dr. Cismaan Sheekh Axmed Nuur,oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay maamulka Shirkadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, waxaanu yidhi “Guul ayaad u soo hoyseen waddanka, waa inaynu ka faa’iideysano khayraadka uu ILAAHAY ina siiyay oo aynu wax soo saarno”.

blankMarwo Sucaad Carmiye oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Maalin kasta intaas oo Million oo Dollar ayaa inagaga baxa, Daqiiq, Sabaayad ayaynu cunaa, Laxoox ayaynu cunna iyo quraac, intuba waxay ka sameysan yihiin daqiiq. Markaa waxaad qabateen Shaqo wanaagsan, waxaanan ka codsanayaa inay dawladuna idin taageerto oo ay cashuurta idinka yareyso”.

blankErgayga wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aaden Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Wixii Wanaagsan ee Somaliland ku soo kordha aad ayay iiga farxiyaan, Somaliland-ta aan rabaa waa taas, aynu dhisanayno, aynu ilaashanayno, aynu fursado u sameynayno shaqaalaha, aynu quruxdda iyo sharafta aynu u yeelayno, oo Somaliland-ta aan jecelahay ee aan rabaa ay tahay”

“Ciddii hindisaha keentay “Boodhari MILLS”, ee hawsha baddan u gashay, in mashruuca intaa leegi uu suuragallo, waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu ka abaal-mariyo,”.Ayey tidhi Marwo Edna Aaden.

blankWasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo ka hadlay ibo-furka Wershada Daqiiqda ee Boodhari-Mills,ayaa waxa uu yidhi “Waxaad dadka barteen sidii wax la isugu darsan lahaa, TELESOM waxay ahayd shirkadda kaliya ee maal-gelin shicib ku socotaa,….waxaan filayaa inay boqolaal noocaas ahi inay yimaadaan. Addunyadaba ogaado Horumarku waxa uu ka bilaabmay markii wax la isu dar-darsaday.”

blankGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo madashaasi bilnayd ee sida quruxda baddan loo soo agaasimay ka hadlay, waxaanu yidhi“Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska waa inay ku dedaasha sidii ay u difaaci lahayd wax soo saarka dalka. Wax kasta oo ay soo saarno wixii la tartamaya in la saaro cashuur dheeraad ah, haddii kale wax soo saarka gudaheenu hanno-qaadi maayo. Waa inaynu mudnaanta siinaa waxaynu soo saarno”.

blankMadaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa Sharaf weyn oo aad u qiimo baddan ii ah inaan ka soo qeybgalo Xafladan lagu daah-furayo Wershadan aadka u qiimaha baddan leh, ee Boodhari MILLS, waxa aad iyo aad u mahadsan kuwa aan u dhalan Somaliland ee magacii Soomaaliyeed ku aaminay inay ku maal-gashadaan”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Reer Somaliland waa waajib saaran inuu qarankiisa maalgashado, waxaan idin leenahay hambalyo intiini dhulka dheer u maray inay hawshaasi hir-gasho”.

blankBoodhari Mills oo ah Shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo kuwo u dhashay Soomaalida kale, ayaa noqonaya Mashruucii ugu horreeyey noociisa muddadii ay Somaliland jirtay ee Qayb libaax leh ka qaadanaya dhiirrigelinta Beeralayda iyo wax-soo-saarka Dalagga dalka oo abuuraya shaqo-abuur loo baahan yahay, taas oo ibo-fur u noqonaysa qorsheyaal heer qaran ah oo lagu jaan-goynayo isku-filnaanshiyaha dhinaca Cuntada dalka dibaddiisa laga soo waarido iyo sidoo kale wax-soo-saarka Calafka xoolaha oo xakamaynaya saamaynta ay beeralayda iyo reer-guuraaga ku yeeshaan abaaraha kala duwan ee xilliyada qaarkood ka dhaca dalka.

Beeraha laga beeray Dalagga Qamaddiga, ayaa intooda badani ku yaallaan gobollada Daad-madheedh, Sanaag, Awdal iyo Gabiley, iyadoo shirkaddu dadka beeralayda ka caawisay siidhka Qamaddiga, Farsamada iyo Qalabka Beeraha, waxaana heshiiska ka mid ah in shirkaddu dadka Beeralayda ka iibsanayso ama kala wareegayso dalagga Qamaddiga.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories