HomeDuleedka Hargeysa oo laga Hirgelinayo Aag u gaar ah Wershadaha iyo Qorshaha...

Duleedka Hargeysa oo laga Hirgelinayo Aag u gaar ah Wershadaha iyo Qorshaha ka dambeeya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay inay Xukuumaad ahaan wadaan qorshe ay gudaha magaalada Hargeysa kaga saarayaan wershadaha ganacsiga ah, iyadoo loo rarayo degaanka Geed-Deeble ay ka wadaan xaruntii lagu ururin laha guud ahaan Wershadaha ku yaalla Gudaha caasimadda.

blankWasiirka Ganacsiga iyo Wershaha JSL waxa uu sheegay in Aagga loogu talo-galay Wershadleyda ka hawlgala caasimada laga hirgelinayo dhammaan adeegyada kala duwan ee lagama maarmaanka u ah wax-soo-saarka Wershadaha.

“Aniga iyo Wasiirka Maaliyadda oo iskaashanayna waxaa aanu hadda goob guud ahaan wershadaha dalka la isugu geynayo aanu ka wadna degaanka Geed Deeble, isla markaana laydhkii ay wadaagi karaan, adeegyadii kalena ay wadaagi karaan,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga oo maanta u warramay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo weydiiyey su’aalo la xidhiidha hawl-qabadka Wasaaradda.

“Waxa aanu sameynayna hangaro, markaa waxaa aanu kaga kireynayna kiro jaban, ujeedaduna waxa ay tahay kuwa cusub ee imanaya in aanay caqabad la kulmin ayaanu rabbnaa, kuwa hore haddii la furfuri karana kaba sii wanaagsan oo waa ay u guurayaan, sababto ah warshado shan sano ka hor la dhisay ayay magaaladii dhaaftay, waynu furfuri karnaa badankooda, oo way gayn karaan.

Waxaanay dhiirigelin u tahay warshadleyda cusub, wax dhib ah oo ay la kulmayaana ma jirto ee qofkasta shaqada warshadiisa hore ayuu ka bilaabanayaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories