HomeLatest NewsHolocaust iyo Hargeysa 1988: Madaxweynaha Somaliland Oo Booqanaya Xarunta Taariikhda Xasuuqyada ee...

Holocaust iyo Hargeysa 1988: Madaxweynaha Somaliland Oo Booqanaya Xarunta Taariikhda Xasuuqyada ee Israel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi, ayaa la filayaa inuu maalinta Axadda ee 14-ka Juun 2026 booqasho ku tago xarunta caalamiga ah ee Yad Vashem oo taala magaalada Quddus, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Yad Vashem.

Booqashadan ayaa qayb ka ah safar diblomaasiyadeed oo Madaxweynaha Somaliland ku joogo gobolka Bariga Dhexe. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Salaasadii ka ambabaxay magaalada Hargeysa, waxaana la xaqiijiyey in isaga iyo weftigiisu gaadheen dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Israel.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Yad Vashem, Madaxweynaha Somaliland waxa lagu soo wareejin doonaa Matxafka Taariikhda Holocaust-ka, Xarunta Xusuusta Carruurta (Children’s Memorial), iyo Buugga Magacyada Dhibbanayaasha (Book of Names), halkaas oo lagu qaban doono munaasabad xus iyo maamuus loogu samaynayo dhibbanayaashii xasuuqa Holocaust-ka.

Guddoomiyaha Xarunta Yad Vashem, Dani Dayan, ayaa Madaxweynaha ku wehelin doona inta uu ku gudo-jira booqashada qaybaha kala duwan ee xarunta.

Yad Vashem ayaa madxaf iyo xarun caalami ah oo lagu kaydiyo, laguna soo bandhigo taariikhda Holocaust oo ahaa xasuuqii loo geystay dadka Yuhuudda ah intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Xaruntan oo ku taalla magaalada Jerusalem ayaa ururisa dukumentiyo, sawirro, magacyada dhibbanayaasha iyo caddaymo taariikheed oo la xidhiidha xasuuqaas, waxaana loo aqoonsan yahay inay tahay goobta ugu muhiimsan dunida ee lagu xafido xusuusta Holocaust-ka.

Holocaust ayaa loo aqoonsan yahay xasuuq ay fuliyeen ciidamadii Nazi-ga ee uu hoggaaminayey Adolf Hitler, kaas oo sababay dhimashada ku dhowaad lix milyan oo Yuhuud ah iyo malaayiin kale oo ka tirsanaa Kooxo kala duwan oo lagu bartilmaameedsaday qaaradda Yurub intii u dhaxaysay 1933 ilaa 1945.

Booqashada Yad Vashem ayaa leh astaan iyo muhiimad gaar ah marka loo eego waaya-aragnimada shacabka Somaliland. Kumannaan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, laguna barakiciyey duqaymihii iyo tacaddiyadii ay dawladdii militariga ahayd ee uu hoggaaminayey Siad Barre ka geysatay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sannadkii 1988. Duqaymihii Hargeysa, Burco iyo magaalooyin kale ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana dhacdooyinkaas ay maanta qayb ka yihiin xusuusta qaran ee shacabka Somaliland.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa u arka booqashada xarumaha lagu xafido xusuusta xasuuqyada dunida inay xambaarsan tahay fariin ku saabsan muhiimadda ay leedahay ilaalinta xusuusta dhibbanayaasha, raadinta caddaaladda iyo in jiilasha dambe laga wacyigeliyo masiibooyinka ka dhasha tacaddiyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Wararka la xidhiidha safarka Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in la filayo inuu xadhigga ka jaro Safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, tallaabadaas oo haddii ay dhacdo noqon doonta dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah.

Safarkan oo hadal-heyntiisu Soo baxday horaantii bishan, ayaa lagu tilmaamay mid xaqiijinaya doorka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika, iyadoo Israa’iil ay Somaliland u aragto saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka gobolka. Dhinaca kale, Somaliland ayaa xidhiidhkan uga faa’iidaysanaysa furitaanka albaabbo cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo aqoonsiga caalamiga ah.

Warka ku saabsan safarka madaxweynaha oo ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadda dalka Israel toddobaadkii hore,waxa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu kulamo gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xidhiidhka siyaasadeed, iskaashiga amniga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda casriga ah iyo mashaariicaha horumarineed ee ay Somaliland ka faa’iidaysan karto.

Somalilandpost.news

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories