Washington (SLpost) – Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa Arbacadii maanta ansixiyey qaraar lagu xaddidayo awoodda Madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan sii wadista hawlgallada milatari ee Iran iyada oo aan oggolaansho laga helin Congress-ka.
Qaraarka ayaa lagu meel mariyey codad gaadhaya 215 halka 208 ay ka soo horjeesteen, iyadoo afar xildhibaan oo Jamhuuri ahi ay taageereen qaraarkan oo dabada ka riixayeen xildhibaanada Dimuqraadigu.
Sida aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka ee Reuters, Qaraarkan ayaa faraya madaxweynaha inuu ka saaro ciidamada Maraykanka hawlgal kasta oo colaadeed oo ka dhan ah Iran, haddii aanu jirin oggolaansho rasmi ah oo Congress-ku bixiyey, marka laga reebo xaaladaha difaaca dalka iyo xulafadiisa.
Inkasta oo qaraarku aanu weli dhaqan geli doonin ilaa uu ansixiyo Golaha Senate-ku, haddana waxa loo arkaa dhabar-jab siyaasadeed oo ku dhacay Madaxweyne Trump iyo calaamad muujinaysa walaaca sii kordhaya ee Congress-ku ka qabo dagaalka Iran.
Dimuqraadiga ayaa muddo dheer ku doodayey in hawlgallada milatari ee Iran aanay sharci ahayn maadaama aan Congress-ku fasaxin, halka qaar ka mid ah Jamhuuriguna hadda bilaabeen inay taageeraan dedaallada lagu xaddidayo awoodda madaxweynaha ee arrintan.
Afarta xildhibaan ee Jamhuuriga ah ee taageeray qaraarka ayaa kala ah Thomas Massie, Brian Fitzpatrick, Tom Barrett iyo Warren Davidson.

