Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Kormeeray Fadhiisimada Gobolka Sanaag

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Ceerigaabo (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay fadhiisimada Gobolka Sanaag, iyagoo u kuurgalay xaaladda Ciidamada Qaranka iyo hawlaha ay ka hayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimaynta xaaladda guud ee Ciidamada Qaranka, hubinta heerka diyaargarowga iyo shaqo-gudashada fadhiisamada Bariga Sanaag, la socodka xaaladda amni ee goobaha ay Ciidamadu ku sugan yihiin, iyo dhageysiga baahiyaha iyo talooyinka saraakiisha iyo ciidamada.

Labada masuul oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku marayey gobollada bariga Somaliland ayaa kormeerkan ku tagay fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan fadhiisamada Jiidali iyo deegaannada hoos yimaada.

Intii uu socday kormeerku, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhiggu waxay indho-indheeyeen goobaha ay Ciidamadu ku sugan yihiin, iyagoo si toos ah ula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku jira jiidaha hore.

Saraakiisha iyo ciidamada ayaa masuuliyiinta uga warbixiyey xaaladda guud ee ciidanka, duruufaha ka jira goobaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha hawlgal iyo adeeg ee jira, iyo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo kormeer ku maraya fadhiisamada hore ee Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali oo kormeeraya fadhiisamaha Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag.

Kormeerku waxa kale oo uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-xidhka iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Taliska Ciidanka Qaranka iyo ciidamada ku sugan jiidaha hore, iyo in masuuliyiintu si dhow u qiimeeyaan xaaladaha ay ciidamada ku shaqaynayaan, si loo ogaado meelaha u baahan taageero iyo daryeel dheeraad ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada guud iyo xuduudaha dalka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu si joogto ah u gutaan waajibaadkooda qaran.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee masuuliyiinta wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Qaranka ay ku marayaan gobollada bariga Somaliland, kaas oo lagu qiimaynayo xaaladda ciidamada, goobaha ay ku sugan yihiin iyo hawlaha amni iyo difaac ee ka socda jiidaha hore.

Isha Wararka Somalilandpost News

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This