HomeSomali NewsTaliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Kormeeray Fadhiisimada Gobolka Sanaag

Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Kormeeray Fadhiisimada Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay fadhiisimada Gobolka Sanaag, iyagoo u kuurgalay xaaladda Ciidamada Qaranka iyo hawlaha ay ka hayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimaynta xaaladda guud ee Ciidamada Qaranka, hubinta heerka diyaargarowga iyo shaqo-gudashada fadhiisamada Bariga Sanaag, la socodka xaaladda amni ee goobaha ay Ciidamadu ku sugan yihiin, iyo dhageysiga baahiyaha iyo talooyinka saraakiisha iyo ciidamada.

Labada masuul oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku marayey gobollada bariga Somaliland ayaa kormeerkan ku tagay fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan fadhiisamada Jiidali iyo deegaannada hoos yimaada.

Intii uu socday kormeerku, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhiggu waxay indho-indheeyeen goobaha ay Ciidamadu ku sugan yihiin, iyagoo si toos ah ula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku jira jiidaha hore.

Saraakiisha iyo ciidamada ayaa masuuliyiinta uga warbixiyey xaaladda guud ee ciidanka, duruufaha ka jira goobaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha hawlgal iyo adeeg ee jira, iyo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo kormeer ku maraya fadhiisamada hore ee Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali oo kormeeraya fadhiisamaha Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sanaag.

Kormeerku waxa kale oo uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku-xidhka iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Taliska Ciidanka Qaranka iyo ciidamada ku sugan jiidaha hore, iyo in masuuliyiintu si dhow u qiimeeyaan xaaladaha ay ciidamada ku shaqaynayaan, si loo ogaado meelaha u baahan taageero iyo daryeel dheeraad ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Yuusuf Cali ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada guud iyo xuduudaha dalka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu si joogto ah u gutaan waajibaadkooda qaran.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee masuuliyiinta wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Qaranka ay ku marayaan gobollada bariga Somaliland, kaas oo lagu qiimaynayo xaaladda ciidamada, goobaha ay ku sugan yihiin iyo hawlaha amni iyo difaac ee ka socda jiidaha hore.

Isha Wararka Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories