HomeSomali NewsSomaliland"Awoodda Dowladdu Ma Noqon Karto Aalad Lagu Aamusiiyo Muwaadiniinta" - Waddani, Kulmiye...

“Awoodda Dowladdu Ma Noqon Karto Aalad Lagu Aamusiiyo Muwaadiniinta” – Waddani, Kulmiye iyo KAAH oo Digniin Culus U diray Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo KAAH ayaa bayaan wadajir ah oo maanta soo baxay kaga digay in awoodda Xukuumadda Somaliland loo adeegsado cabudhinta saxaafadda iyo ku-xadgudubka xuquuqda xorriyadda hadalka ee Dastuurku u jideeyey muwaadiniinta.

Bayaanka waxaa si wadajir ah u saxeexay Xildhibaan Ciise Keyd Maxamuud, oo Xisbiga talada dalka haya ee Waddani ku metela Golaha Wakiillada; Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo Xisbiga Kulmiye uga jira Golaha Wakiillada; iyo Hoggaamiyaha Xisbiga KAAH, Cabdikariin Maxamed X. Cali.

Masuuliyiintan ayaa bayaankooda kaga hadlay xadhigga Abwaan Ismaaciil Jiheeye iyo Wariye Cabdiqani Xuseen Abokor (Baylood), kuwaas oo muddo laba toddobaad ka badan ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Wariye Cabdiqani Baylood ayaa hore waraysi ula yeeshay Abwaan Ismaaciil Jiheeye, kaas oo waraysiga kaga hadlay cabasho uu sheegay inuu qabo, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku eedeeyey inuu xoog kaga qaaday dhul uu leeyahay oo ku yaalla agagaarka hoyga uu Madaxweynuhu ka deggan yahay magaalada Hargeysa.

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in Abwaan Jiheeye uu xaq u lahaa inuu cabashadiisa si fagaare ah u soo bandhigo, halka Wariye Bayloodna uu gudanayey waajibaadkiisa saxaafadeed ee ah inuu bulshada gaadhsiiyo cabashooyinka iyo aragtiyada muwaadiniinta.
Saddexda masuul ayaa si gaar ah uga digay in awoodda dawladda loo adeegsado aamusinta muwaadiniinta cabanaya iyo saxaafadda tebisa cabashooyinkooda, iyaga oo xusay in haddii uu jiro muran dhul ama arrin kale oo madani ahi, ay jiraan hay’ado iyo maxkamado sharci ahaan loogu talagalay inay go’aan ka gaadhaan.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in awoodda dawladdu u muuqato mid loo adeegsanayo aamusinta muwaadiniinta cabanaya iyo saxaafadda tebisa cabashadooda,” sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in haddii labada qof loo hayo eed dembiyeed oo cad, si waafaqsan sharciga loo horkeeno maxkamad awood u leh, halka haddii aanay jirin eed sharci ahna ay tahay in xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Masuuliyiintu waxay Xukuumadda ugu baaqeen inay ilaaliso xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda, iyaga oo ku adkeeyey in khilaafaadka iyo cabashooyinka muwaadiniinta lagu xalliyo sharciga, maxkamadaha iyo hay’adaha dastuuriga ah, ee aan lagu adeegsan awoodda ciidanka iyo xabsiga.

“Somaliland waxay muddo dheer ku faanaysay dimuqraadiyad, xorriyadda hadalka iyo saxaafad madaxbannaan. Ma aqbali karno in wixii aynu soddon sannadood dhisaynay lagu dhaawaco xadhigga abwaan, saxafi ama muwaadin hadalkiisa loo arko mid aan xukuumadda raalli gelinayn,” ayay masuuliyiintu ku yidhaahdeen qoraalkooda.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen oo bayaankooda ku yidhaahdeen; “Waxaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa xusuusinaynaa in awoodda dawladdu tahay amaanada shacabka, ee aanay ahayn awood loo adeegsan karo qof kasta oo dhaliila, cabta ama su’aal adag weydiiya masuuliyiinta.”

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey in xorriyadda hadalku aanay ahayn deeq ay xukuumaddu bixiso, balse ay tahay xuquuq Dastuurku muwaadiniinta Somaliland siinayo.

Wararka Somaliladpost News

Ismail Abdilahe
Ismail Abdilahehttps://somalilandpost.news
Somalilandpost News Editor Ismail Abdilahe serves as a News Editor at Somalilandpost, where he oversees the publication of breaking news, in-depth reporting, and feature stories covering Somaliland, the Horn of Africa, and international affairs. He is responsible for editing and verifying news content, ensuring that every article meets the highest standards of accuracy, fairness, and journalistic integrity. Working closely with reporters and contributors, Ismail helps deliver timely, balanced, and well-researched coverage across politics, diplomacy, business, security, and social affairs. As part of the Somalilandpost editorial team, he is committed to providing readers with credible information, insightful analysis, and professional journalism that reflects the publication's mission of informing the public with accuracy, independence, and responsibility. Areas of Coverage * Somaliland Politics * Horn of Africa Affairs * Regional Security * Diplomacy & International Relations * Business & Economy * Breaking News * Public Policy & Governance

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories