Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo lagu dhaqan-gelinayo mushahar kordhin loo samaynayo Ciidamada Qaranka, kaddib marka ciidanka lagu sameeyo diiwaangelin rasmi ah oo la qorsheeyey inay ku dhammaato muddo 30 maalmood ah.
Sida ku cad wareegtada Madaxweynaha, mushaharka Ciidamada Qaranka ayaa lagu kordhinayaa 50 boqolkiiba, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda ee wax-ka-beddelka iyo horumarinta xaaladda ciidamada.
Madaxweynaha Cirro ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa ballan-qaaday inuu muddada xilkiisa mushaharka ciidamada kordhin doono 250 boqolkiiba. Wareegtada cusub ayaa sidoo kale xustay in miisaaniyadda sannadka 2025 mushaharka ciidamada loogu daray korodh dhan 50 boqolkiiba.
Hase yeeshee, Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi, oo ka tirsan mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in ay jirto is-waafajin la’aan u dhaxaysa wareegtada Madaxweynaha iyo qodobka mushahar kordhinta ciidamada ee ku jira Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taas oo xilligan hortaalla Golaha Wakiillada.
“Waan soo dhawaynayaa wareegtada Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee kordhinta mushaharka ciidanka oo dhan 50%. Miisaaniyadda Golaha Wakiillada hortaalla waxaa ku qoran kordhin 10% keliya ah, isma waafaqsana wareegtada Madaxweynaha iyo miisaaniyadda 2025. Is-waafajin iyo sixid ayay uga baahan tahay Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi.
Hadalkan Xildhibaanka ayaa muujinaya in ay jirto baahi loo qabo in la caddeeyo sida mushahar kordhinta 50-ka boqolkiiba ah loogu waafajinayo Miisaaniyadda Qaranka ee 2025, gaar ahaan maadaama miisaaniyaddu ay weli hortaallo Golaha Wakiillada.
Mushahar kordhinta ciidamada ayaa muddooyinkii u dambeeyey ahayd mid ka mid ah qodobada siyaasadeed ee muhiimka u ah xukuumadda Madaxweyne Cirro, iyadoo ciidamada loo arko laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida Somaliland.
Hadda waxa la sugayaa sida Golaha Wakiilladu uga falcelin doono kala duwanaanshaha la sheegay inuu u dhexeeyo wareegtada Madaxweynaha iyo qoondada mushahar kordhinta ciidamada ee ku jirta miisaaniyadda hortaalla Golaha.


