HomeSomali NewsIsmaaciil Cumar Geele Oo Qaaday Tallaabo Itoobiya Ku Qasbaysa Fulinta heshiiskii Somaliland

Ismaaciil Cumar Geele Oo Qaaday Tallaabo Itoobiya Ku Qasbaysa Fulinta heshiiskii Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost) – Khilaaf culus, ayaa ka dhex qarxay dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya.
Khilaafkan oo huursanaa, ayaa dibedda u soo baxay, ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu bixiyey waraysi weerar ku ah Itoobiya.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay jariirradda afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa markii u horreysay shaaciyey in Itoobiya dhawaan u dirtay Jabuuti wafdi siday codsi ay Itoobiya ku dalbanayso inay Jabuuti ka hesho deked iyo saldhig ciidanka badda ah oo ay ku yeelanayso magaalada Tadjourah.

Geelle oo hadalkiisu u muuqdo mid uu ku weerarrayo Itoobiya, ayaa sheegay Xukuumaddiisa oo ilaalinaysa madax-banaanida dalka & ka talinta kaabayaasha istaraatijiga ah inay Jabuuti si rasmi ah u diidday codsigaasi.

“Itoobiya waxay noo soo dirtay wefdi codsi la yaab leh wata, kaasi oo ah in la sameeyo marin ay si buuxda u maamusho, oo ka bilowda xadka Itoobiya kuna dhammaada Tadjourah, iyo in la siiyo fasax ay saldhig ciidan kaga dhisato badda. Tani ma ahayn wax aan isla ogayn. Sidaas darteed, arrintan waan diidnay…Waxaan u sheegnay Itoobiya in Jabuuti ayna ahayn sida gobolka Crimea.” ayuu Geelle u sheegay Jeune Afrique.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle wuxuu xusay in Jabuuti ayna aqbalaynin wax faragelin ah oo ay dawlado shisheeye ku sameeyaan arrimaheeda gudaha, isagoo tusaale u soo qaatay heshiiskii ay Jabuuti ka baxday ee shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay.
Laakiin, falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegaya in hadalka Geelle uu yahay mid uu kaga hor-tagayo heshiiska badda iyo aqoonsiga ee Somaliland kaasi oo Itoobiya doonayso dhamaystirto.

Falanqeeyayaashu waxay tilmaameen in hadalka Geelle ee ah in Itoobiya ka dalbatay dhul xidhiidhsan dekedda Tajoora illaa xadka Itoobiya iyo saldhig badda oo ay si madax-banaan u maamulato aanay waxba ka jirin, balse uu ugu talo-galay inuu shacabka Somaliland u tuso heshiiska Itoobiya ee la dhamaystirayo inuu dalkooda khatar ku yahay, isagoo waraysiga si ku talo-gal ah ugu soo beegay xilligan oo uu dib u soo laba-kacleeyay heshiiska badda iyo aqoonsiga ee Somaliland la gashay Itoobiya.

Laakiin, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha gobolku, tallaaabooyinka Madaxweynaha Jabuuti, ayaa Itoobiya ku riixi kara inay si deg-deg ah u hirgeliso heshiiska Somaliland isla-markaana isticmaalkeeda dekedaha Jabuuti ay joojiso, una soo wareegto dekedda Berbera ee Somaliland.

Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories