HomeLatest NewsGudidda Tacliinta Sare ee Somaliland oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood

Gudidda Tacliinta Sare ee Somaliland oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudidda Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku xidhay lix laamood oo jaamacado ah iyo afar kulliyadood, kadib markii kormeer ballaadhan lagu sameeyey xarumaha waxbarashada sare ee gobollada Sool, Saraar, Daadmadheedh, Saaxil iyo Gebilay lagu ogaaday in qaar ka mid ahi aanay buuxin halbeegyada tayada waxbarashada ee dalka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Gudidda Tacliinta Sare, Prof. Xasan Cumar Halas, ayaa lagu sheegay in guddidu muddadii u dhexaysay 11 ilaa 21 June 2026 ay kormeer ku samaysay 12 xarumood oo waxbarasho oo ku kala yaalla degmooyinka Gar-adag, Oog, Caynaba, Oodweyne, Sheekh iyo Wajaale.

Gudiddu waxay sheegtay in kormeerkaasi uu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada sare iyo hirgelinta shuruucda iyo xeerarka nidaamiya jaamacadaha Somaliland.

Maxay Guddigu Ku Ogaatay Kormeerka?

Warbixinta guddidu waxay sheegtay in laamaha jaamacadaha qaarkood ay ku guuldarraysteen inay buuxiyaan 16-ka halbeeg ee ugu yar (Minimum Standards) ee looga baahan yahay jaamacadaha dalka.

Waxa kale oo la sheegay in xarumaha qaarkood ay ka maqnaayeen adeegyo muhiim u ah tacliinta sare, sida shaybaadhada caafimaadka, maktabadaha casriga ah, xarumaha ICT-ga iyo goobaha lagu qaato tababarrada (Practical).

Sidoo kale, guddidu waxay tilmaantay in qaar ka mid ah macallimiinta xarumahaasi aanay lahayn shahaadooyinkii aqooneed ee looga baahnaa, halka xarumo kalena lagu arkay inay ku shaqaynayeen iyaga oo aan haysan ruqsad ama oggolaansho rasmi ah oo ay bixisay Gudidda Tacliinta Sare.

Laamaha la xidhay

Go’aanka guddidu wuxuu saameeyey lix laamood oo jaamacadeed, kuwaas oo kala ah:

  1. Jaamacadda Alpha – Laanta Oog.
  2. Jaamacadda Gollis (Sharia) – Laanta Oog.
  3. Jaamacadda Alpha – Laanta Caynaba.
  4. Jaamacadda Burco – Laanta Caynaba.
  5. Jaamacadda Alpha – Laanta Oodweyne.
  6. Jaamacadda Gollis – Laanta Wajaale.
Kulliyadaha la joojiyey

Gudiddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in la joojiyey afar kulliyadood oo aan buuxin shuruudihii loo baahnaa, kuwaas oo kala ah:

  1. Kulliyadaha Nursing iyo Nutrition ee Jaamacadda Alpha, laanta Sheekh.
  2. Kulliyadaha Nursing iyo Midwifery ee Jaamacadda Timo-Cadde, laanta Wajaale.

Ardaydii kulliyadahani wax ka baranaysay ayaa loo wareejiyey xarumaha waaweyn ee jaamacadahooda si aanay waxbarashadoodu u hakannin.

Go’aamada lagu badbaadinayo Waxbarashada ardayda

Gudidda Tacliinta Sare waxay sheegtay in si loo ilaaliyo mustaqbalka ardayda loo qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin:

  1. Ardayda Jaamacadda Alpha ee Caynaba iyo Oodweyne waxaa loo wareejiyey Jaamacadda Alpha Burco.
  2. Ardayda Gollis (Sharia) ee Oog waxaa loo wareejiyey Jaamacadda Gollis ee Caynaba.
  3. Ardayda Gollis ee Wajaale waxaa loo wareejiyey Jaamacadda Gollis ee Gebilay.
  4. Ardayda Jaamacadda Burco ee Caynaba waxaa loo wareejiyey xarunta Jaamacadda Burco.

Gudiddu waxay sheegtay in wareejintaasi lagu fulin doono si nidaamsan iyadoo la ilaalinayo xuquuqda ardayda.

Digniin ay Gudiddu soo saartay

Gudidda Tacliinta Sare ayaa uga digtay dhammaan jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka inay furaan laamo cusub ama bilaabaan barnaamijyo waxbarasho iyaga oo aan marka hore helin ruqsad iyo oggolaansho rasmi ah.

Waxay sidoo kale caddeysay inay sii wadi doonto kormeerka iyo qiimaynta xarumaha waxbarashada sare ee dalka, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono hay’ad kasta oo ku xad-gudubta xeerarka iyo halbeegyada tayada waxbarashada.

Gudiddu waxay ku boorrisay dhammaan hay’adaha waxbarashada sare inay sare u qaadaan tayada adeegyada ay bixiyaan, si loo helo qalinjabiyeyaal leh aqoon iyo xirfad u dhiganta heerarka waxbarashada sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood 2
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood 3
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood 
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood 4
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood 1
Gudidda Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay 6 Jaamacadood

Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories