Booliska Somaliland oo Xidhay Askar Lagu Eedeeyey Ku Takri-fal Awoodeed

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen askar lagu arkay muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaas oo muujinaya fal lagula kacay qof rayid ah. Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyey in baadhitaan rasmi ahi socdo.

Muuqaalka lagu faadiyey baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan booliska ee magaalada Hargeysa oo si bilaa naxariis ah u garaacaya muwaadin ay qabashadiisa u siteen waaran-maxkamadeed

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska oo warbaahinta Somalilandpost soo xigatay, ayaa lagu sheegay in askartaasi xilliga dhacdadu dhacaysay fulinayeen waaran maxkamadeed oo lagu soo qabanayay eedaysane. Si kastaba ha ahaatee, Boolisku waxa uu qiray in askartu ay ku kaceen ku takri-fal awoodeed oo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka ciidannimada.

“Askartii ku lug lahayd dhacdadaasi waa la xidhay, waxaana socda baadhitaan rasmi ah. Ciidanku waxa ay xilligaas fulinayeen waaran maxkamadeed oo soo qabasho ah, hase yeeshee waxay ku kaceen ku takri-fal awoodeed (Power Abuse), oo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka ciidannimo xilligii ay qabanayeen eedaysanaha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta ku dhaqanka sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, isagoo carrabka ku adkeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay waajibaadkeeda.

Dhacdadan ayaa dib u soo noolaysay doodaha la xidhiidha isla xisaabtanka ciidamada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka. Inkasta oo ay jireen cabashooyin hore oo la xidhiidha tacaddiyo ay ciidamada qaarkood geystaan oo badankooda aan la bandhigin ama aan si rasmi ah loo diiwaangelin sababo la xidhiidha aqoonta xaddidan ee muwaadiniinta u leeyihiin xuquuqdooda iyo hababka cabashada loo gudbiyo.

Muuqaalkan lagu baahiyey baraha bulshada iyo falcelinta ballaadhan ee uu dhaliyey ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee aaladaha dijitaalka ahi ku leeyihiin kor u qaadista isla xisaabtanka, maxa yeelay waxa ay Shacabka Somaliland si isa soo taraysa ugu adeegsadaan Baraha Bulshada si ay u soo bandhigaan dhacdooyinka ay u arkaan xadgudub ama ku takri-fal awoodeed.

Isbeddelka ku yimi wacyiga bulshada, ayaa haddii uu sii socdo gacan ka geysan kara xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dawladda, yaraynta tacaddiyada iyo dhiirrigelinta in cabashooyinka bulshada looga jawaabo si hufan oo degdeg ah.

Source: Somalilandpost News

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This