HomeSomali NewsSomalilandBooliska Somaliland oo Xidhay Askar Lagu Eedeeyey Ku Takri-fal Awoodeed

Booliska Somaliland oo Xidhay Askar Lagu Eedeeyey Ku Takri-fal Awoodeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen askar lagu arkay muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaas oo muujinaya fal lagula kacay qof rayid ah. Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyey in baadhitaan rasmi ahi socdo.

Muuqaalka lagu faadiyey baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan booliska ee magaalada Hargeysa oo si bilaa naxariis ah u garaacaya muwaadin ay qabashadiisa u siteen waaran-maxkamadeed

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska oo warbaahinta Somalilandpost soo xigatay, ayaa lagu sheegay in askartaasi xilliga dhacdadu dhacaysay fulinayeen waaran maxkamadeed oo lagu soo qabanayay eedaysane. Si kastaba ha ahaatee, Boolisku waxa uu qiray in askartu ay ku kaceen ku takri-fal awoodeed oo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka ciidannimada.

“Askartii ku lug lahayd dhacdadaasi waa la xidhay, waxaana socda baadhitaan rasmi ah. Ciidanku waxa ay xilligaas fulinayeen waaran maxkamadeed oo soo qabasho ah, hase yeeshee waxay ku kaceen ku takri-fal awoodeed (Power Abuse), oo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka ciidannimo xilligii ay qabanayeen eedaysanaha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta ku dhaqanka sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, isagoo carrabka ku adkeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay waajibaadkeeda.

Dhacdadan ayaa dib u soo noolaysay doodaha la xidhiidha isla xisaabtanka ciidamada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka. Inkasta oo ay jireen cabashooyin hore oo la xidhiidha tacaddiyo ay ciidamada qaarkood geystaan oo badankooda aan la bandhigin ama aan si rasmi ah loo diiwaangelin sababo la xidhiidha aqoonta xaddidan ee muwaadiniinta u leeyihiin xuquuqdooda iyo hababka cabashada loo gudbiyo.

Muuqaalkan lagu baahiyey baraha bulshada iyo falcelinta ballaadhan ee uu dhaliyey ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee aaladaha dijitaalka ahi ku leeyihiin kor u qaadista isla xisaabtanka, maxa yeelay waxa ay Shacabka Somaliland si isa soo taraysa ugu adeegsadaan Baraha Bulshada si ay u soo bandhigaan dhacdooyinka ay u arkaan xadgudub ama ku takri-fal awoodeed.

Isbeddelka ku yimi wacyiga bulshada, ayaa haddii uu sii socdo gacan ka geysan kara xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dawladda, yaraynta tacaddiyada iyo dhiirrigelinta in cabashooyinka bulshada looga jawaabo si hufan oo degdeg ah.

Source: Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories