HomeSomali NewsSomalilandGolaha Wasiirrada Somaliland oo Ka Shiray Abaarta, Amniga, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Macdan-Qodista...

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ka Shiray Abaarta, Amniga, Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Macdan-Qodista Sharci-darrada ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa — Fadhiga 53-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kana qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, iyadoo diiradda lagu saaray xaalado muhiim ah oo dalka ka jira.

Kulanka ayaa ugu horreyn lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaarta ee dalka oo sii xumaanaysa. Madaxweyne-ku-xigeenka, oo ah Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, ayaa sheegay in gobollada oo dhan laga dareemayo biyo iyo cunto yari, barakac sii kordhaya, iyo xaalado nololeed oo adag, gaar ahaan dadka reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada. Waxa uu ku baaqay gurmad qaran oo mideysan, isaga oo xusay in loo baahan yahay isku-tashi gudaha ah oo ay ka wada qayb qaataan Dawladdu, ganacsatada iyo shacabka.

Dhanka amniga, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa Golaha u sheegay in guud ahaan amniga dalka uu sugan yahay isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama amni-darro ah.

Warbixinta dhaqaalaha waxa soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdilaahi Xasan Aadan, oo sheegay in dakhliga qaranku bishii January 2026 uu ka sarreeyey odoroskii miisaaniyadda. Waxa uu intaa ku daray in Wasaaraddu waddo qorshayaal lagu kobcinayo ilaha dakhliga iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed. Sidoo kale, waxa uu caddeeyey in sarrifka Shillinka Somaliland uu yahay mid deggan oo xasilloon, taas oo muujinaysa kalsooni suuqeed iyo maamul dhaqaale oo hufan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa iyaduna Golaha uga warrantay xummad ka jirta gobollada dalka labadii toddobaad ee u dambeeyey, taas oo si gaar ah u saamaysay carruurta iyo dadka waayeelka ah. Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in tallaabooyin degdeg ah la qaaday, oo ay ka mid yihiin adeegyo caafimaad oo dheeraad ah, daawooyin iyo hawlgelinta shaqaale caafimaad. Waxa kale oo uu xusay in dalka uu ka socdo ololaha dhiig-bixinta qaranka si loo helo kayd dhiig oo ku filan xaaladaha degdegga ah.

Dhanka kale, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Axmed Jaamac Barre, ayaa ka digay khatarta macdan-qodista sharci-darrada ah ee ka socota gobollo badan. Waxa uu sheegay in hawlahani keenaan khalkhal amni, lunsiga kheyraadka qaranka ah, tartan aan caddaalad ahayn iyo burbur deegaan. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in korodhka ajaanibta ku lug leh hawlahan ay halis ku yihiine dalka, loona baahan yahay istaraatiijiyad qaran oo wadajir ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha warbixin ka siiyey safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Imaaraadka Carabta, gaar ahaan ka qayb-galka Shirkii Dawladaha Adduunka ee Dubai. Madaxweynaha ayaa sheegay in kulammo heer sare ah uu la yeeshay hoggaamiyeyaal, wufuud caalami ah iyo ganacsato, isaga oo xusay in ka qayb-galka madalaha caalamiga ahi uu kor u qaadayo sumcadda Somaliland isla markaana fursado maalgashi iyo iskaashi cusub u furayo.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka ee horumarka iyo aqoonsi raadiska.

somalilandpost.news/
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories