Al-shabaab oo Kiniya Ku Dilay Laba Askari

spot_img
- Advertisement -

Kenya(SLpost)-Ugu yaraan laba ka tirsan ciidamada booliiska ee Kenya ayaa ku dhintay weerar ay al-shabab ku qaadeen kolonyo ciidamada booliiska Kenya ah oo marayey jidka isku xidha Mandera iyo Ceel Waaq.

Weerarkan ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabab ay u adeegsadeen gantaallo garabka laga tuuro iyaga oo burburiyey mid ka mid ah baabuurta booliiska halkaasna ku dilay laba ka mid ah ciidanka.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha gaadhay dhinaca maleeshiyada Al-Shabab.Weerarrrada ka dhaca degaankaas ayaa inta badan ay sheegaan maleeshiyada Al-Shabab mas’uuliyadooda.

Dhowaanna booliiska Kenya waxay ka digeen in maleeshiyada Al-Shabab ay kooxo hubaysan u dirayaan gudaha Kenya si ay weerarro u gaystaan xilliga roobka oo maritaanka jidadku adag yihiin.

- Advertisement -
kaariye
kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Latest news

- Advertisement -

Related news