HomeFaysal Cali Waraabe ku hanjabay inay Baarlamaanka Horgeyn doonaan Mooshin ka dhan...

Faysal Cali Waraabe ku hanjabay inay Baarlamaanka Horgeyn doonaan Mooshin ka dhan ah Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inay mucaarad ahaan ay Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland horgeyn doonaan mooshin ka dhan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Faysal Cali waraabe oo hore uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay joojinayaan wada-hadallada oo aan in muddo ah la qaban.

blankFaysal Cali waxa uu sheegay in wada-hadaladu ay dhaawaceen dedaalada aqoonsi-raadinta Somaliland, isla-markaana caalamku u fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay dib ugu heshiin lahaayeen.

“Maalin dhawaydna waan ka hadlay, sannad guuradii 30aad na qoraal ayaanu soo saarnay xisbi ahaan, anagu wada-hadalladaa waanu joojinaynaa haddii Alle yidhaahdo, wada-hadalladii horena khasaare ayay noo keenen, waxa loo fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay u heshiin lahaayeen,” ayuu yidhi Faysal oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Waxa uu guddoomiye Faysal ku gooddiyey in haddii uu Madaxweyne Biixi ku raaci waayo go’aankooda ay wada-hallada ku joojinayaan, ay mooshin wada-hallada ka dhan ah horgayn doonaan galeyaasha baarlamaanka Somaliland.

“Arrintaasi waxay noo keentay in waddamadii na aqoonsan lahaa dib u joogsadaan, haddii uu Madaxweynuhu ku adkaysan waayona go’aan kaas baarlamaanka ayaanu horgaynaynaa, mooshin odhanaya hala joojiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddaanu soo baxnana waanu joojinaynaa” ayuu yidhi Faysal.

“Madaxwaynuhu hadii uu ka laaban-waayo wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya waxaanu gayn-doonaa Baarlamaaka si ay uga laabtaan,” sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories