HomeSomali NewsSomalilandBaanka Dhexe ee Somaliland oo muddo Laba Usbuuc ah u Qabtay Soo-Xeraynta...

Baanka Dhexe ee Somaliland oo muddo Laba Usbuuc ah u Qabtay Soo-Xeraynta iyo Beddelaada Lacagta Duugga ah ee SLSHs

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shacabka ugu baaqay inay muddo laba toddobaad gudahood ah kusoo xareeyaan lacagta duugawday ee Shilinka Somaliland ee Noodhadka 10-a Shillin, 20-ka Shilin, 50-ka Shillin iyo 100-ka Shilin.

War-saxaafadeed uu Isniinta maanta soo saaray Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cali Ibraahim Jaamac, ayaa loogu baaqay shacabka iyo Ganacsatada inay lacagta Duugowday ee Afartaas noodh ku xereeyaan Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay gobollada dalka, iyadoo loogu beddelayo lacag u dhiganta qaddarka noodhka ay soo xereeyaan.

War-saxaafadeedka nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa lagu sheegay in hawsha lacag beddelku muddo 14 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 28-ka July 2021 ka socon doonto Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay gobollada dalka.

“Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo isla markaana cuskanaya qodobka 41aad, farqaddiisa koowaad ee xeer Lr. 54/2012, kuna saabsan mawduucan kor ku xusan waxaanu ogaysiinaynaa dhammaan bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee ka kooban 10 Shilin, 20 Shilin, 50 shilin iyo 100 shilin.

Waxa lagu soo xaraynayaa laamaha Baanka Dhexe JSL ee ku kala yaala gobollada dalka muddo dhan 14 cisho oo ka bilaabmi doonta 28 bishan toddobaad ee 2021-ka.

Muwaadinka ku soo xareeya noodhadhka kor ku xusan muddada loo qabtay waxa uu Baanka dhexe ee Somaliland ugu beddeli doonaa noodhadh la qiimo ah cadadka uu keeno.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland.

Noodhka Shilinka Somaliland oo Baanka Dhexe bulshada ka dalbaday inay soo xereeyaan, ayaa ah lacag aan xilligan laga isticmaalin ama Suuqa ku jirta marka laga reebo Noodhka 100-ka Shilin oo isticmaalkeeda la arko xilliga mushaharka ay qaadanayaan shaqaalaha dowladda,

Isticmaalka noodhadkan ayaa suuqa ka baxay sababo la xidhiidha sicir-barar ku yimi lacagta oo qiimo-dhac ku keenay iyo noodhadhka 1000 Shilin iyo 5000 Shilin oo markii dambe la soo daabacay.

Lacagta Shilinka Somaliland ayaa markii u horeysay la soo daabacay sannadkii 1994-kii xilligaas oo madaxweyne loo doortay Allah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo noqday Madaxweynihii labaad ee JSL kaddib markii Somaliland madaxbannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Waxa xusid mudan in Lacagta Shilinka Somaliland ee xilligaas la hirgaliyey ka koobnayd Hal Shilin, 5 Shilin, 10 Shilin, 20 Shilin, 50 Shilin, 100 Shilin iyo 500 Shilin. Balse waxa markii dambe la soo daabacay noodhka 1000 Shilin iyo 5000 Shilin.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories