HomeSomali NewsSomalilandDooxa Hargeysa oo Qaaday Saddex Qof iyo Gaadhi ay Saarnaayeen

Dooxa Hargeysa oo Qaaday Saddex Qof iyo Gaadhi ay Saarnaayeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dooxa magaalada Hargeysa, ayaa galabta Qaaday Saddex Qof iyo Gaadhigii ay saarnaayeen.

Gaadhiga oo noociisu ahaa Probox ayaa ka tallaabayey dooxa Hargeysa gaar ahaan Waddada ka tallowda agaagaarka Hotel Maamuus ee Bariga Caasimadda abaarro 4:00 galabnimo ee maanta oo roob xooggani ka da’ayey magaalada.

Gaadhiga iyo saddexda Qof ee saarnaa oo dhammaantood rag ah, ayuu dooxu qaaday kaddib markii ay darawlku isku dayey inuu ka tallaabo dooxa xilli uu daadku yaraa, haseyeeshee gaadhiga ayaa dhex-fadhiistay oo galay Ciidda Dooxa, sida ay sheegeen goob-joogeyaal goobta ku sugnaa.

“Xilli ay dadku isku dayayeen in saddexda Qof laga soo samato-bixiyo oo xadhig loo tuuray, waxa mar kaliya si xawli ah u soo batay daadkii, taasina waxay sababtay inay biyuhu qaadaan gaadhigii iyo saddexdii Qofba,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidka yar-yar ee caasimadda oo daba-socday gaadhiga Daadku qaaday.
Waxa uu goob-jooguhu sheegay in ciidamada ammaanku markiiba yimaaddeen goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashnaya Shacabka Hargeysa, ayaa ka hawl-galaya samata-bixinta saddexda qof iyo baabuurka oo ay ka daba-tageen, waxaana lagu gaadhay meel ka durugsan halka daadku ka qaaday.

Ciidammada Ammaanka oo ka hadlay qaabka ay uga hawl-galeen samata-bixinta saddex qof, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya bulshada ay saddexda qof ku gaadheen meel ka durugsan goobtii ay uu baabuurka ka qaaday.

“Waxaanu ku gaadhnay meel dooxu ka ballaadhan yahay oo xawliga biyuhuna yar yihiin, waxaana tan suurta-galisay iyagoo saddexdooduba dabbaasha yaqaanaan,” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ka hawl-galay samata-bixinta saddexda qof.

Sannad walba xilli-roobaadka, waxa dooxyada waaweyn ee dalka gaar ahaan dooxa Caasimadda Hargeysa ku naf-waaya tobanaan Qof oo daadku qaado iyo Gaadiid tiro badan.
Dooxa Hargeysa oo kala qaybiya Caasimadda, ayaa xilligan leh Laba Biriish oo waaweyn oo gaadiidka iyo dadkuba ka tallaabaan, balse waxa jira Buundooyin biyaha Daadku dul-maraan oo xilliyada Daadka Dooxu yaryahay gaadiidku ka tallaabaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories