HomeSomali NewsDawladda Maraykanka Oo Fasaxay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

Dawladda Maraykanka Oo Fasaxay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost) – Dawladda Maraykanka, ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar ay dalkaasi kaga xayirtay inay galaan dadka 43 waddan oo caalamka ah.

Waddamadan oo ku kala yaalla Qaaradaha Adduunka ee kala duwan, ayaa waxa ku jirta Soomaaliya oo aanay Somaliland ku jirin.

Soomaaliya iyo 42-ka waddan ee kale ayaanay dadkoodu geli karin Maraykanka, wixii ka dambeeyay amarka ka soo baxay Waaxda socdaalka ee Maamulka Madaxweyne Doland J. Trump ee Maraykanka.

Laakiin, iyadoo waddamo badan ay wajahayaan xayiraadaha dhanka socdaalka ee Maraykanka, ayaa dadka haysta baasaboorka Somaliland waxay sii wadaan inay galaan dalka Maraykanka, sida uu sheegay Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo la socda dawladaha ogol in dalalkooda lagu Baasaaboorka Somaliland.

Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo qoraalka uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey boggiisa X ama Twitter-ka, ayaa sheegay in bilihii u dambeeyay Baasaaboorka Somaliland la casriyeeyay oo la gaadhsiiyey heerarka caalamiga ah, taasina qayb ka tahay aqbalaadda Maraykanka “Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhawaan la cusboonaysiiyay, ayaa la gaadhsiiyey heerar sare oo tignoolajiyadeed, kaas oo kor u qaaday ammaanka iyo isu-socodka caalamka..” ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdirashiid Cabdiraxmaan.

Xogta uu sheegay Agaasimahaa hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, waxa sii xoojinaya Mubaarik Sarhaye oo dhawaan isagoo sita Baasaaboorka Somaliland isku maray dalalka Maraykanka iyo Kanada.

Mubaarik Sarhaye oo qoraal ku baahiyey bartiisa X, ayaa yidhi “Maanta waxaan u socdaalay waddamada Kanada iyo Maraykanka, anigoo ka imid Hargeysa. Waxaan wataa Baasaaboorka Somaliland, waxaana iga yaabiyey inay labada kastamba I soo dhoweeyeen. Sarkiisha Maraykanka ayaa ii sheegay inay igu adkaan lahayd gelidda dalkaasi, haddaan Baasaaboorka Soomaaliya wato.”

Mubaarik Sarhaye oo hadalkiisa sii wata ayaa Muwaadiniinta Somaliland u soo jeediyey inay qaataan Baasaaboorka Somaliland “Qaado haddaad helayso..” ayuu yidhi Mubaarik Sarhaye.

Maxamed Axmed oo ah aasaasaha Warbaahinta Inside Africa oo xilliigan ku sugan dalka Turkiga, ayaa isaguna sheegay in Muwaadin Qoyskiisa oo Waxbarasho Jaamacadeed ka helay Maraykanka uu dalkaasi ku tagay Baasaaboorka Somaliland “Dhawaan nin dhaliinyaro ardaya ah oo aanu ehel nahay ayaa qabuul ka helay Jaamacad Maraykanka ku taalla, Passport-ka Somaliland ayaa loogu dhuftay Fiisaha ardayda la siiyo. Mubaarikna waa kiiskii labaad ee aan arko muddo kooban gudaheed ee Maraykanku u fiiseeyo Passport-ka Somaliland, xili Trump dadka Passport-ka Soomaaliya sita ka madnuucay inay Maraykan cagta soo dhigaan, xitaa kuwa sita Baasaaboorka diblumaasiga ah, wuxuu ku daray liiska cas ee ay Waqooyiga Kuuriya, Iran iyo Afghanistan ku jiraan.” Ayuu yidhi Axmed Maxamed, waxaanu intaa ku daray “Mar hadduu Maraykanku Baasaaboorka Somaliland aqbalayna waxaad ogaataa dalalka kale ee Adduunkuna way aqbalayaan.”

Sidaas oo kale, Faadumo Cali oo ah Muwaadinad reer Somaliland oo u doodda qadiyadda madax-banaanida Somaliland, oo iyaduna muuqaal arrintaa ku saabsan baahisay, ayaa sheegtay inay Baasaaboorka Somaliland ku tagtay dalka Maraykanka, iyadoo soo bandhigtay taariikhda kastamka garoonka diyaaradaha ee ay ka degtay u fiiseeyay Baasaaboorka Somaliland.

Dadka siyaasadda falanqeeya, ayaa aqbalaadda Maraykanka ee Baasaaboorka Somaliland ku macneeyay inay hor-dhac u tahay qorshaha Maamulka Madaxweyne Doland Trump uu ku aqoonsanayo Somaliland.

Dhawaan, waxa Somaliland iyo Maraykanka u bilaabmay wada-hadallo ku saabsan in Maamulka Trump uu dawlad madax-banaan u aqoonsado Somaliland, taa beddelkeedana uu saldhig Ciidan ka samaysto xeebta Istaraatiijiga ah ee Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories