HomeSomali NewsDanjire Bashir Good Oo Soo Bandhigay Fashilka Qorshe Ka Dhan Ah Aqoonsiga...

Danjire Bashir Good Oo Soo Bandhigay Fashilka Qorshe Ka Dhan Ah Aqoonsiga Somaliland oo Somalia u Gudbisay Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay Qorshe xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ku doonayso inay kaga hortagto Aqoonsiga Dowladda Maraykanka.

Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa qoraalka ay u gudbisay dowladda Maraykanka ugu yaboohday isticmaalka dekedda Berbera, taas beddelkeedana ay xukuumadda madaxweyne Donald Trump ka laabato Qorshaha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka Woqooyiga qaaradda Amerika u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Danjire Bashiir Good, ayaa tallaabo faashil ah oo aan waxba ka beddeli doonin Aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay inay Somalia Maraykanka ku laaluushto isticmaalka iyo maamulka Dekedda Berbera oo aanay awood u lahayn maadaama oo ay ku taallo dhulka Somaliland.

Danjire Bashiir Good waxa uu sheegay inay Somaliland ku hawlan tahay inay Dowladda Maraykanka kala shaqayso dhammaystirka Qorshaha horumarinta danaha istiraatijiyadeed ee labada waddan ka leeyihiin Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Danjiruhu wuxuu soo bandhigay xaqiiqooyin sharci ahaan meesha ka saaraya isla markaana burinaya qorshaha ka dhanka ah Aqoonsiga Somaliland ee dowladda Somalia u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, isagoo soo daliishaday qodobbada sharci ee ku jira heshiiska iskaashi ee Maraykanka iyo Somaliland dhexmaray sannadkii 2023-kii, kaas oo xilligan horyaalla Aqalka Congresska Maraykanka.

“Waxaanu dalkayaga ku soo dhawaynay Wufuud ka tirsan AFRICOM (hawl-galka Milatari ee Afrika) si ay u qiimeeyaan sida ugu wanaagsan ee Maraykanku uga faa’iidaysan karo Dekedda Berbera si loo fududeeyo hawl-galkooda Geeska Afrika,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Bashiir Good oo Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Maraykanka iyo Canada.

Danjiraha oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey barta X oo warbaahinta Hargeysatoday soo xigatay, waxa uu intaas ku daray, “Sida ku cad natiijadii ka soo baxday heshiiskii sharci ee NDAA ee 2023-kii, xoghayeyaasha arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee Maraykanka waxa uu ku waajibinayaa inay si joogto ah ugu gudbiyaan Congress-ka dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka difaaca, diblomaasiyadda iyo horumarinta ee Somaliland,” ayuu yidhi Danjire Good.

Ambassador Bashir Good wuxuu sheegay inay Shacabka iyo Dowladda Maraykanka meel-ka-dhac iyo Ceeb ku tahay tallaabada Soomaaliya ku doonayso inay si badheedh ah dhul Qarankii iska lahaa ilaashanayo ugu yaboohdo waddan kale.

Ugu Dambeyn, waxa uu Danjire Good xusay in madaxweynaha Maraykanku ogyahay xaqiiqada farqiga u dhexeeyo Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana aanu qaadan Karin tallaabo kasta oo meel-ka-dhac iyo aflaagaaddo ku ah isaga iyo shacabka Maraykanka.

Heshiiska iskaashiga ee Maraykanka iyo Somaliland oo khuseeya dhinacyada Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku yimi socdaal uu dalka Maraykanka ku tagay bishii March ee sannadkii 2022-dii Madaxweynihii hore Mudane Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad rasmi ah ka helay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaas, iyadoo xildhibaano ka tirsan Aqalka Congress-ku ay Golaha horkeeneen qaybo-qoraalka ajandeyaal sharci oo bud-dhig u ah heshiiska iskaashi ee labada waddan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories