HomeMadaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Faa'idada Sharciyadda Heshiiska Iskaashi ee Somaliland...

Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Faa’idada Sharciyadda Heshiiska Iskaashi ee Somaliland iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington DC (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminayan wefti sare oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa toddobaadkan la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden iyo xubno ka tirsan Congress-ka inta uu ku gudo jiro socdaalkiisii u horreeyey ee Madaxweyne ka socdaa ku tago Maraykanka tan iyo 2013kii.

blankWada-tashiyo isdaba joog ah oo ay yeesheen masuuliyiin ka socda Somaliland iyo Maraykanku waxay isku waafaqeen inay yeeshaan iskaashi qoto-dheer oo ay bahwadaag ku yihiin hadafyada ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin; ilaalada xeebaha, ka hortagga argagixisada, kaalmada bini’aadanimo, ilaalinta deegaanka iyo in kor loo qaado Ganacsiga.

Aqalka Wakiillada, waxa madaxweyne Biixi dedaal u galay in la adkeeyo xidhiidhka iyo masaalixda labada dhinac, taasoo keentay in 14, March Guddida Arrimaha Dibadda ee Congress-ka iyo xubno sare oo ay ka mid ahaayeen Michael McCaul (R-Taxes), Guddida Afrika, caafimaadka caalamiga ah iyo Guddi hoosaadyada xuquuqda aadanaha xubno sare oo ka mid ah Chris Smith (R-New Jersey) iyo qaraar ay soo saareen 8 Xildhibaan oo qoraal u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, waxay xildhibaannadaasi ku booriyeen in Maraykanku cilaaqaad la yeesho Somaliland, waxaanay hoosta ka xariiqeen “Istaraatijiyada iyo bogcada gacanka Cadmeed ee Somaliland ku taallo, isla markaana si joogto ah loo taageero dimuqraadiyada, iskaashina lagala sameeyo dhinacyada ka hortagga argagixisada, budhcad-baddeeda iyo halisaha ammaan ee ka jira gobolka Geeska.

Waxa kaloo ay bayaankooda ku sheegeen xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan iyo in Maraykanku kor u qaado fursado dheeraad ah oo dhaqaale oo uu la yeesho Somaliland.”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu soo dhaweeyey qaraarkii hordhaca ahaa ee la xidhiidhay “Sharciga iskaashiga Somaliland” ee ay soo saareen Guddida Arrimaha Dibadda ee aqalka Senate-ka ee ay ka mid ahaayeen Jim Risch (R-Idaho) oo ay wehelinayeen Senatarada kala ah; Chris Van Hollen (D-Maryland), Mike Rounds(R-South Dakata), Guddoomiyaha iyo xubno sare oo ka tirsan Guddi hoosaadka qaabilsan Afrika iyo siyaasada caalamiga ah ee caafimaadka oo warbixintooda ku sheegay “In Xidhiidh xoog leh oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland uu faa’iidooyin badan iyo fursado istaraatijiyadeed u yeelanayo labada dhinac.”

Sharciga iskaashiga lagula yeelanayo Somaliland wuxuu jidaynayaa in Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu qiimeeyo qoddoban:-

• Kaalmada Maraykanku siiyey Somaliland
• In adeegyo qunsuliyadeed la siiyey Somaliland iyo
• In qiimeyn dhinaca ammaanka la xidhiidha, talooyinka socdaalka Maraykanka iyo muwaadiniinta doonaya inay booqdaan si ay ganacsi uga sameeyaan Somaliland.
Xeerkani waxa kaloo uu dhigayaa in Wasaaradda Gaashaan-dhiggu sameyso daraasad ku saabsan iskaashiga ammaanka ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Somaliland oo ay ka mid yihiin:

• Fursado ku wajahan in Maraykanku uu tababaro Laamaha ammaanka ee Somaliland.
• In laga aasaaso magaalada Hargeysa “Machadka Maraykanka ee Somaliland”, kaasi oo toos iskugu xidhaya Dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, lana mid ah cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan.
Madaxweyne Biixi Wadahadallada uu la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Biden, taasi oo ay dhammaystirayso danaha ay tilmaameen Congresska ka tirsani. Waxa labada dhinac isku raaceen in la hirgeliyo kooxo ka wada shaqeeya horumarinta iyo isku xidhka iskaashiga.

Kaqayb-galayaasha kulamadaasi, waxa ka mid ahaa Dana Banks, ku-xigeenka kaaliyaha Guddoomiyaha u qaabilsan Afrika, Molly Phee iyo kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Afrika, Ilan Goldenberg, Kaaliyaha Xoghayaha Gaashaan-dhiga iyo ammaanka caalamiga ah Ambassador Andrew Young, Taliye ku-xigeenka ciidammada millatariga ee taliska Afrika iyo Maura Barry, iyo kaaliyaha maamulka Afrika u qaabisan Wakaaladda horumarinta caalamiga ah.

Aqalka Baarlamaanka Maraykanka, waxa weftiga Madaxweynuhu la kulmeen senatorada Chris Van Hollen (D-Maryland) iyo Mike Rounds (R-Dakota), Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah Guddi hoosaadyada Afrika, siyaasadda caalaamiga ah ee caafimaadka, Gregory Meeks(D-New York) iyo Micheal McCaul (R-Texas), Guddoomiyaha iyo xubno sare oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda, Guddoomiyaha Guddida aqalkaasi u qaabilsan adeegyada ciidammada Adam Smith (D-Washington), Reps Karen Bass (D-California) iyo Chris Smith (R-New Jersey), Guddoomiyaha iyo xubno sare ka tirsan guddi hoosaadka Afrika, Caafimaadka caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha iyo Reps Steve Chabot (R-Ohio), Young Kim (R-California), Tim Burchett (R-Tennessee), Brain Mast (R-Florida), Ilhan Omar (D-Minnesota) iyo Scott Perry (R-Pennsylvania).

“inkastoo wadatashiyo aanu la yeelanay toddobaadkan masuuliyiin ka tirsan maamulka Biden, xubnaha Congress-ka, Ganacsatada iyo hoggaamiyeyaasha ururrada bulshada Maraykanka. Waxaan aad ugu kalsoon nahay in mustaqbalka uu meel sare gaadhi doono iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka. Waxaan ku celinayaa inay Somaliland gaadhay guullo xad-dhaaf ah ka gaadhay dhinacyada dhismaha dal dimuqraadi ah, xasiloon oo isku filan. Labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriguba way soo dhaweeyeen iskaashi mug leh oo ku wajahan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo maamul wannaaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

“Sannado badan oo dedaal aan kala go’ lahayn aanu wadnay kadib, waxa i dhiirigelinaysa inaan arko saaxiibo badan oo Somaliland ku leedahay dalka Maraykanka. Gaar ahaan aqalka Congress-ka jid dheer ayaa innaga horreeya, waxaanan balanqaadayaa in aan mustaqbalka iskaashigeenna kula dagaalanno argagixisada, isla markaana horumarino dimuqraadiyada oo aynu fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi ka abuurno gobolka Geeska Afrika,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay inuu iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka kaga hadlay khudbadii uu 14-kii March ka jeediyey The Heritage Foundation. Guddoomiyaha The Heritage Foundation Kevin Roberts ayaa Maraykanka ku booriyey aqoonsiga Somaliland “Maraykanku waa inuu noqdaa dalka kowaad ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaa.”

Weftiga Somaliland oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha caanka ah ee ganacsiga, ayaa sidoo kale la kulmay waaxda Ganacsiga Maraykanka iyo shirkadda caalamiga ah ee Maraykanka u qaabilsan horumarinta Maaliyadda. Waxa kaloo ay la kulmeen Baanka adduunka iyo rugta ganacsiga Maraykanka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories