HomeSomali NewsAxmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Kalsoonida Uu Ka Qabo Tartanka Uu...

Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Kalsoonida Uu Ka Qabo Tartanka Uu gu Jiro Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah eeWADDANI Axmed Muumin Seed ayaa shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay musharaxiinta ku tartamaysa jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani.

Axmed Muumin Seed oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa  sidoo kale ka hadlay saamaynta ay isku yeelanayaan musharaxiinta kale ee deegaankiisa ah kuwaas oo kula tartami doona jagadaasi.

Axmed Muumin Seed oo ugu horayn ka hadlaya shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani mudo badan  ayey sugayeen taageerayaasha xisbiga Wadani ee gudaha iyo dibada iyo dadka reer soomaalilandba u dhag taagayeen goorma ayaa la qaban doonaa, arinkaasina waxa uu mid hawshiisa iyo culayskiisa leh laakiin waanu ku dhawaaqnay wakhtiga aanu qaban doono, waxaana haatan inaga xiga mudo laba bilood ah, labadaas biloodna ay socoto diwaan gelinta Laascaanood, markaa waxaanu ku rajo weynahay inuu si wanaagsan oo dimuqraadi noogu dhaco.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu kalsoono ku qabo in shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani u dhici doono si dimuqraadi ah “Runtii waxaanu boqolkiiba boqol kalsooni badan  ku qabnaa in banaan tartanku ka dhici doono oo dimuqraadiyadi ka dhici doonto waayo waxa aynu dadka u sheegayno waa inaynu ka dhabaynaa markaa si dimuqraadi ah oo xor iyo xalaal ah ayaanu rajaynaynaa inuu shirkaasi noogu qabsoomi, ilaa hada ma hayo cid aan maqlay oo la tartamaysa gudoomiyaha laakiin waa laga yaabaa inay cid damac leh timaado oo la tartanto.”

Gudoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed waxa uu cadeeyey inuu u sharaxan yahay jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi waxaanu yidhi “Halka aan u socday  halkaas ayey  ahayd, taasina waa war laga dharagsan yahay wixii aynu xisbiyada u samaysanay waxay ahayd inaanu talada dalka wax ku yeelano oo ka mid noqono, anigana hankaygu kolay musharaxiinta xisbiga u tartamaya waan ka mid ahay, Cabdirashiidna waa nin aanu isku deegaan nahay oo isku hayb nahay oo aanu gobol ka soo wada jeedno isaguna wuu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa aadna waan u soo dhawaynayaa, musharaxiin kalana runtii way jiraan oo iyaguna tartamaya waana xisbi oo tartanku wuu iman doonaa waanan soo dhawaynaynaa cidii doonaysa inay kursiga nagula tartanto waxaana na kala saari doona shirka golaha dhexe.”

Axmed Muumin Seed waxa uu ka hadlay saamaynta ay isku yeelan doonaan musharaxiinta ku tartamaysa shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ee ay isku deegaanka ka soo wada jeedaan waxaanu yidhi “Anigu gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga ayaan ahay mudo badana xisbiga waan ka soo shaqaynayey, nimanka saaxiibaday ah ee ila tartamaya ee Maxamed Cali iyo Cabdirashiid runtii wax culays ah oo dhibaato ah oo ay igu hayaan ma jirto , dimuqraadiyada iyo asxaabta ayaana keenaysa inay dadku tartamaan waxaanan is leeyahay waa dhaqan somaliland oo dhan ka jira in dadku tartamaan oo kuraasta hungureeyaan, markaa waan dareemayaa in damaca iyo hanka aan anigu leeyahay ay walaalahayna leeyihiin, ragaas aanu saaxiibka nahay  ee aanu isku xisbiga iyo isku gobolka ka soo wada jeedno kulama yaabayo inay yidhaahdaan musharaxiin ayaanu nahay  laakiin aad aayaan u soo dhawaynayaa labadaba, waxaana na kala saari doona golaha dhexe.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Somalilandpost Hargeysa  .

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories