Al-Shabaab Oo Digiin Ka Soo Saartay Doorashada Madaxtinimada Iyo Baarlamaanka Somalia

Must Read

kaariye
kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Muqdisho (SL.Post) Al-Shabaab, ayaa markii u horaysay ka hadashay doorashada dadban ee dhawaan ka dhacaysa dalka Somaaliya, oo lagu soo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweynaha.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in doorashadaas go’aanka uga dagsan uu yahay dil iyo dagaal, isagoo digniin u jeediyay odayaasha soo xulaya Baarlamaanka.

“Go’aanka uga degsan Mujaahidiinta doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay ajandayaal gumeysi.”ayuu yidhi Cali-dheere.

Waxa kale oo uu u jeediyay Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, in aanay noqon in laga dhigto jaran-jaro lagu koro halka la rabo, kadibna la iska tuuro.

Cali-dheere ayaa ku booriyay dagaalyahanada Al-Shabaab inay weeraro ku qaadaan goobaha doorashooyinka ka dhacaya, isagoo uga digay shacabka inay ka qayb-qaataan doorashooyinka.

 

Somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

International economist joins Bank of Somaliland’s Monetary Policy and Research Team

The Bank of Somaliland has appointed Bermudian economist Ywione Darrell to its Monetary Policy and Research Team under the prestigious Overseas Development Institute Fellowship Scheme, bringing international economic expertise to the country's central banking institution.
- Advertisement -

More Articles Like This

- Advertisement -