Imtixaanka Shahaadiga oo Dalka bilaabmaya maalinta Sabtida iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo la Dar-daarmay Hawl-wadeennada

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku gudo-jirta u diyaar-garowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare ee dalka, waxaanay wasaaraddu maanta kulan dar-daaran u qabatay Ilaalada iyo hawl-wadeennada ka qayb-qaadanaya imtixaanka Shahaadiga oo gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmi doona Maalinta Sabtida ee 15-ka bishan June.

 

Kulanka waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Cismaan Jaamac Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo kulankaas ka hadlay ayaa weedho dar-daaran ah u jeediyey Hawl-wadeennada ka qayb-gaadanaya imtixaanka heer qaran, isagoo ugu baaqay inay si caddaalad ah uga hawl-galaan ilaalinta Imtixaanaadka.

 

Waxa xusid mudan in sannadkan wasaaraddu ugu diyaar-garowday xakamaynta Qishka imtixaanka, iyadoo la hawl-galiyey qalab cusub oo meesha ka saaraya isticmaalka telefoonnada gacanta, kaas oo gebi ahaanba hawada ka saaraya anteennada telefoonnada oo inta badan ardayda u sahli jiray Qishka Imtixaanka.

 

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalkan Hoose oo xambaarsan Warbixin uu ka diyaariyey Weriye Jacfar Axmed Bade oo ka tirsan Telefishanka Qaranka

 

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This