HomeSomali NewsEthiopiaDekedda Berbera Oo La Wareegaysa Boqolkiiba 30 Badeecadaha Dalka Ethiopia

Dekedda Berbera Oo La Wareegaysa Boqolkiiba 30 Badeecadaha Dalka Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa qorsheysay inay marsada Berbera daboosho baahida Boqolkiiba Soddon badeecadaha dalka Itoobiya u dhoofiyaan ama kala soo dagaan dibadda, kuwaas oo hore u soo mari jiray Dekedda Djibouti.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa warbaahinta Deutsche Welle u xaqiijiyey jiritaanka heshiis lagu hirgelinayo tallaabadan Oo dhawaan dhexmari doona labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu xusay in dekedda Berbera ay leedahay jid toos ah oo si sahlan ugu xidhaya Itoobiya, taasina ay fursad iyo doorashada u wanaagsan u tahay dalkaas oo tirada dadkiisa lagu qiyaaso in ka badan 120Milyan.

Waxa Maareeyuhu caddeeyay in marka heshiiskaasi hirgelo sannadka hore ay Itoobiya boqolkiiba 30 badeecadaheeda kala soo degi doonto dekedda Berbera.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay muddo labo bilood gudahood ah ku qabyo-tiraan heshiis is faham oo bilowgii sannadkan ay kala saxeexdeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.

Heshiiskaas is-faham ayaa dhigaya inay Somaliland xeebaheeda 20km ka kirayso Itoobiya taas oo xukuumadda Addis Ababa u suurta-galinaya marin-badeed iyo saldhig ay ka hawl-galaan ciidamada badda ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa taas beddelkeeda, sida heshiisku dhigayo, noqonaysa dalka u horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland, iyadoo sidoo kale heshiisku suurta-galinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo amniga ah oo labada waddan yeelanayaan.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories