HomeSomali NewsXukuumadda oo faafaahin ka bixisay nuxurkii safarka Shiinaha iyo wasiirka Khaarajiga oo...

Xukuumadda oo faafaahin ka bixisay nuxurkii safarka Shiinaha iyo wasiirka Khaarajiga oo ka hordhacay xogwarrankii laga sugayay madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay shalay si gabbasho ah uga warbixisay heshiisyo ay dhawaan la gashay dawlado kale iyo sidoo kale sibiq-dhaqaaqa safarkii Madaxweynaha iyo Weftigiisu khamiistii inna dhaaftay kaga soo laabteen dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee ay dalka Shiinaha ku wada gaadheen Somaliland, Itoobiya iyo shirkado maalgashi oo laga leeyahay wadanka Shiinaha.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dawlada Somaliland aanay lahayn awood dhaqaale taasina ay sababtay inay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay cariyaynta dekeda Berbera iyo dhismaha waddo tareen oo isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu sheegay in maalgashiga dalka Shiinuhu uu yahay mid la isku halayn karo, sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id uu shalay warbaahinta Dawlada iyo qaar ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee sida gaarka ah ula shaqeeya Afhayeenka Madaxtooyada  ugu  qabtay ‘xarunta Madaxtooyada, shirkaa jaraa’id oo qaar ka mid ah warbaahinta madaxbanaan laga hor-istaagay sida Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV, iyadoo Suxufiyiintii ka qaybgahshayna ay su’aalo ka waydiiyeen socdaalkii weftigii Madaxweynaha ee uu xubinta ka ahaa ee ay ku tageen dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Su’aalahaasina waxay u dhaceen sidan:

S: Wasiir, heshiiskan sadex-geesoodka ah ee aad la soo saxeexateen Itoobiya iyo China ee ku saabsan balaadhinta Dekada, dhismaha wadada Tareenadda iyo Saliida Itoobiya ee Berbera laga dhoofinayo sida uu u fulaayo iyo sida uu yahay sharaxaad naga sii?

J: Waxa weeye sida laga warqabo Shiinaha iyo Somaliland waxa in muddo ahba u socday wada hadal ku saabsan sidii maalgashi dalka loogu heli lahaa khaasatan kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay wadooyinka iyo dekaddu ka mid tahay. Safarkan uu Madaxweynuhu ku tagay Shiinaha waxa ugu weyn ee laga hadalayay waxay ahayd sidii heshiis hordhac ah oo guud looga gaadhi lahaa iskaashigaasi. Waxaana arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa sidii uu caddeeyay Madaxweynuhu waxa kalainta ugu horaysa ku jirta balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera. Somaliland dekada Berbera waxay u aragtaa inay ka mid tahay Kaabeyaasha dhaqaalaha waxaana loo baahan yahay si ay u hanato suuqaasi weyn ee geeska afrika oo ay isticmaali karaan dad ka badan hal Malyan oo qof. waxay u baahan tahay in la casriyeeyo oo la balaadhiyo lana maal geliyo. Si dakhli iyo dhaqaale badan inooga soo galo.

Somaliland awood dhaqaalle oo ay ku dhisato mashruuca intaasi leeg malaha, taasi ayaa keenaysa in dunida lala shaqeeyo Shiinuhuna sida laga warqabo waa alameda imika ugu waaweyn ee maalgashiga ku sameeya waddamada soo koraya. Tusaale ahaan dalalka Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Kenyaba. Intaas oo dalba waxa maalgeliya dawladda Shiinaha.

Waxaanu u aragnay in maalgashiga Shiinuhu ay tahay wax la isku halayn karo oo uu dalkeena horumarkiisa gacan weyn ka geysan karo.

S: kaabeyaasheena dhaqaale wali way burbursan yihiin, shaqo la’aan Balaadhan ayaa jirta ma jirtaa meelo kale oo aad maalgelin shisheeye u raadiseen?

J: Waxa jira in Madaxweynaha iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay socdaal ku soo mareen qaar ka mid ah waddamada Carabta gaar ahaan dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt labaddaba waxaanu kala hadalnay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Somaliland waxaana aanu rajaynaynaynaa inay maal gashi noocan Shiinaha la mid ah aynu dhawaan la geli doono dalalka Khaliijka .

S; Wasiir yaa damaanad qaadaya heshiiskan iskaashi ee sadex-geesoodka ah mar haddii aan Somaliland la aqoonsanayn, waxa la sheegayaa inay Itoobiya idin damaanad qaadaye’e?

J: Iskaashiga iyo maalgashiga intaasi leeg waxa damaanad qaadaya oo heshiiskan horumdhaca ahna saxeexday dawladda Somaliland, heshiiskani waxa uu dhex maray dawlada Somaliland iyo maalgashadeyaasha Chinese-ka. dab can dawladda Itoobiya waa dawlad aynu jaar nahay iskaashi baaladhan oo nabadgelyo iyo Ganacsiba way inaga dhaxeeyaan. Mashaariicdan qaarkoodna waa qaar saamyn ku yeelanaya Ganacsiga iyo dhaqaalaha Itoobiya.

Dekadeena Berbera waa dekad weyn marka la casriyeeyana waxa danaynaya dalal badan oo dhaafsiisan Itoobiya, markaa waanu la shaqeynayaa dhinacyada kala duwan haddii ay Itoobiya tahay iyo haddii tahay Koonfurta Suudaan in rakaab badan iyo baayacmushtar badani ku soo xidhmo dekada Berbera. Markaa waxa damaanad qaadaysa heshiiskan dawlada Somaliland aqoonsinna kuma xidhna mana filayo in heshiiska aanu saxeexnay uu carqalad ku noqonayo aqoonsi la’aantuku. Thiawan oo aan ictiraaf aan dunida ka haysani heshiisyo ay caalamka la galaan halka Koonfurta Suudaan oo bishii hore xorowday saliida waxa u soo saara Shiinaha imika dunida waxa lagu shaqaynayaa iskaashi iyo dhaqaalle.

S: Wasiir dalka Shiinuhu waa mid ka mid ah dalalka aynu ka doonayo Aqoonsiga iyo maalgashiga illaa hadana ma jiro wax wakiil ah ama safiir ah oo aynu ku leenahay maxaa arrintaasi kaa hortaagan?

J:-Dalka Shiinaha imika ayaanu doonaynaa inaanu xidhiidh la yeelano, xidhiidhkaasina imika ayuu hordhac yahay, haddii iskaashigan iyo xidhiidhkan bilowga ah lagu najaxo markaa waxay noqonaysaa oo noo qorshaysan inaanu wakiil ku yeelano Shiinaha waana arrin qorshaha ugu jirta wasaaradda Arrimaha dibada.

S: Heshiiskan ma waxaad la saxeexateen dawladda Shiinaha mise waxaad la gasheen sharaa’ig?

J :Marka laga hadlayo horumarinta dunida waxay cid waliba u xilsaartaa shirkado madax banaan dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya waxa horumar ka socda waxa wadaa waa shirkado madax banaan. Dawladuhu maal malaha, ee waxa wax maalgashada shirkado ganacsi . Markaa waxaanu wada saxeexanay Maalgashadeyaasha shirkadaha.

Somalilandpost.news

Hargeysa News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories