HomeXasuuq ka dhacay Gobolka Tigray ee Ethiopia iyo Wararkii ugu dambeeyey Dagaal...

Xasuuq ka dhacay Gobolka Tigray ee Ethiopia iyo Wararkii ugu dambeeyey Dagaal ka Socda dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

London (SLpost)- Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku shaacisay inuu xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaadhayaan boqollaal ruux.

“Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

blankSarkaalka u hadlay hay’adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.

“Dowladdu waa inay dib usoo celiso isgaarsiinta gobolka Tigray si wax looga ogaado ficillada ay milatarigeeda ka sameynayaan gobolka, loolana xisaabtamo, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo adeegyada bani’aadannimo ee ay sameynayaan hayadaha gargaarka iyo kuwa kormeera xuquuqda aadanaha. Amnesty International waxay si walbaba sii wadi doontaa inay wax kasta u adeegsato diiwaangalinta lagu sameynayo xaaladda iyo soo bandhigidda xadgudubyada ay sameynayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay xasaradda gobolka Tigray oo in muddo ahba taagnaa.

Dowlad deegaanka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya ayaa bishan gudaheeda amar ku bixisay in la abaabulo guud ahaan dadka ku nool gobolkaasi, xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaad xooggan ay ka dhacdo gobolkaasi.

Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay “iska difaacaan duulaanka” dowladda federaalka ee Itoobiya.

Rai’salwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horraan ku gacan seyray codsi uga yimid maamulka Tigreeda, kaasi oo ahaa in dhibaatada ka taagan gobolkaasi lagu xalliyo wadahadal.

Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in adeeg gargaar oo loo fidinayay kumannaan ruux uu halis u yahay inuu joogsado sababo la xiriira dagaalka ka billowday gobolka Tigray.

Catherine Sozi, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya, ayaa BBC-da ku tidhi: “Waxaa lasoo tabiyay inay go’een adeegyo muhiim ah, sida burka iyo shidaalka.”

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli baarlamaanka Itoobiya uu u codeeyay in xasaanadda laga qaado xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeedo Tigray.

Dagaalka ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay howlgal militeri oo ka dhan ah TPLF.

Waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay boqolaal qof kaga dhinteen dagaalka.

Dowladda ayaa kalsooni ka muujineysaa dagaalka, wasiirka gaashaandhigga Kenea Yadeta wuxuu sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF.

XIGASHO: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories