HomeWefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo Gaadhay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub

Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo Gaadhay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Brussels (SLpost)- Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, ayaa maanta gaadhay magaalo-madaxda dalka Belgium oo ah Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

blankWeftiga oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa subaxnimadii saaka gaadhay magaalada Brussels, waxaanu safarkoodu la xidhiidhaa marti-qaad rasmi ah oo baarlamaanka Somaliland ka helay Baarlamaanka Midowga Yurub.

Xubnaha weftiga baarlamaanka Somaliland, ayaa ka kooban Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir iyo La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Weftiga waxa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels ku soo dhaweeyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Belgium oo soo-dhaweyn ballaadhan ku qaabilay weftiga.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay xubnaha baarlamaanka Somaliland kulamo la qaataan xubno ka tirsan Baarlmaanka Midowga Yurub oo marti-qaad u fidiyey, iyagoo qadiyadda Somaliland kala hadli doona baarlamaanka Midowga Yurub.

blankSocdaalka ay xubnaha baarlamaanka Somaliland ugu kiciteem qaaradda Yurub, ayaa ku soo beegmay iyada oo isla shalay uu dalka Maraykanka u dhoofay wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories