HomeWasaaradda Maaliyadda oo Kastam-cashuureedkii u horreeyey ka Hirgalisay magaalada Buuhoodle

Wasaaradda Maaliyadda oo Kastam-cashuureedkii u horreeyey ka Hirgalisay magaalada Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay Kastam Cashuureed ka hirgelisay degmada Buuhoodle oo aanay hore uga hawl-gali jirin hay’adaha dakhli-ururinta ee dalku, iyada oo dadweynaha magaaladaasi si weyn u soo dhaweeyeen furitaanka Kastamka Cusub.

buuhoodleKastamkan oo shaqaynayey muddo laba todobaad ah, ayaa soo xereeyey dakhli aan laga filayn, sida uu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobollada Togdheer, Saraar, Oodweyne iyo Buuhoodle Maxamed Jaamac Sanweyne oo sharraxaad ka bixiyey geeddi-socodka hawl-maalmeedkooda iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa bulshada deegaanka.

“Kastamka cashuuraha waxaan ka furnay magaalo-madaxda Gobolka Buuhoodle ee Buuhoodle, waxaanu furnaa muddo laba todobaad ah, runtiina si wayn ayaa lanoogu soo dhaweeyey Buuhoodle hadday tahay odayaasha iyo dadwaynaha ku dhaqan magaaladaasi, runtiina dakhli aad u fiican ayuu soo xereeyey markii kowaadba kastamkaasi cusub, waxaanay baabuurtu soo maraan kastamkan todobaadkii laba jeer, dakhli aad u fiican ayaana naga soo gala,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Jaamac Sanwayne oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Isuduwaha Wasaaradda Maaliyaddu waxa uu sheegay in kastamka Buuhoodle ay ka fureen uu ku yaalo gudaha magaaldaas, hindisihii lagu hirgeliyeyna uu ka yimi Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu yidhi, “Kastamkan ayaa runtii noqonaya Kastamkii ugu horeeyey ee wasaaradda Maaliyaddu ka furato Buuhoodle, taasina waxay ku timi dhiirranaan iyo hoggaaminta fiican ee Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waana guul u soo hoyotay Somaliland gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda, waana wax lagu faano maanta haddii cashuur tii laga qaadayo gudaha magaalada Buuhoodle, waa wax sumcad u ah qaranka oo dhan taasna waxaa ku ammaanan Wasiirka Maaliyada.”

Waxa kale oo uu Isuduwuhu tilmaamay in kastamkani uu bilow u yahay olole ballaadhan oo fekerkeega uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda, kaas oo ku wajahan qaabkii lahaa dakhli ururin ballaadhan looga hirgalin lahaa Gobolada Bariga Somaliland.

“Maanta waxaan ka bilownay Buuhoodle, hindise ahaana waxaa noogu jira inaan cashuur-bixinta gaadhsiino dhamaan degaanada hoostaga Gobolka Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan Gobolka Buuhoodle oo aanu uga mahad celinayno sida ay noo soo dhaweeyeen inay diyaar ugu noqdaan sidii kaalin muuqata uga gali lahaayeen dakhli ururinta balaadhan ee ay ku jirta Wasaarada Maaliyaddu,” sidaas ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Togdheer, Saraar iyo Daad-madheedh.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories