HomeWarbaahinta Caalamka Oo Sababaysay Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu U Samaysay Madaxweynaha Somaliland

Warbaahinta Caalamka Oo Sababaysay Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu U Samaysay Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost) – Ka dib markii Sabtidii Shalay ay Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ay Muddo-kordhin laba sanadood ah u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Warbaahinta dunida ee Caalamiga ahi wax ka qortay.

Warbaahinta kala ah Laanta Afka Ingiriisiga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo VAO iyo Telefiishanka ABC NEWS oo isna fadhigiisu yahay Maraykanka, ayaa wax ka qoray Muddo-kordhinta labada sanadood ah ee Golaha Guurtidu ku kordhisay muddo-xileedka Madaxweynaha Somaliland oo ku ekaa 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2022.

Laanta Afka Ingiriisiga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa sheegtay in Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu sameeyeen loo raacay soo jeedintii Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee ahayd in aanay doorashada Madaxtooyada ku qaban karin xilligii ay ku muddaysnayd, una baahan yihiin wakhti dheeraad ah oo dhan 9 bilood, arrintaasi oo ku timid dhaqaale-xumo iyo dhinac farsamo “Guddiga doorashada, ayaa bishii hore sheegay inay dib u dhigeen doorashada Madaxtinimada oo ku beegnayd November 2022 sababo la xidhiidha wakhtiga (oo ku yar), iyo dhaqaale-xumo iyo sababo kale..” ayay qortay Idaacadda VOA, waxayna intaa ku dartay in Muddo-kordhinta loo sameeyay ay imayso, ka dib markii bishii August ee sannadkan ay dalka ka dhaceen mudaaharaadyo ay dad badan ku dhinteen, kuwaasi oo ay Gobollada dalka ka dhigeen taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka, kuwaasi oo dibadbaxayaashu ku dalbanayeen in doorashada la qabto bisha November, maaddaama oo ay jireen tuhunno laga qabo Madaxweynaha inuu doonayo inuu dib u dhigo doorashada oo uu wakhtiga kororsado.

Sidoo kale, Telefiishanka ABC NEWS oo ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Maraykanka, ayaa Mareegtiisa Internet-ka ku daabacay War-bixin la xidhiidha Muddo-xileedka Madaxweynaha Somaliland ee labada sanadood lagu kordhiyey.

Wuxuu sheegay in muddo-xileedka Madaxweynaha Somaliland oo ahayd 5 sano lagu kordhiyey 2 sanadood, taasi oo ku dhigan inuu xilka sii haynayo illaa dabayaaqada 2023-ka.

ABC NEWS wuxuu sheegay Qorshaha Muddo-kordhintu ka dhashay dalab ka yimid Gudildiga doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ahaa inay Doorashada Madaxtooyada ku qaban karaan muddo 9 bilood gudahood ah oo ka bilaabanta bishan October ee bilowga ah, maaddaama oo uu wakhtiguna ku yar yahay, dhaqaalihii ay doorashada ku qaban lahaayeene aanay diyaar ahayn.

Laakiin, ABC NEWS wuxuu ka digay in Go’aanka Golaha Guurtidu uu sababi karo qalalaase siyaasadeed, maaddaama buu sheegay ay Xisbiyada Mucaaradku diiddan yihiin.

Wakaaladda WARARKA ee Associated Press (AP) oo iyaduna wax ka qortay arrintan, ayaa si gaar ah diirradda u saaray Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ahaa Xildhibaanka keliya ee diiday Cod-bixintii lagu ansixiyey Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaanka ayaa Wakaaladda AP u sheegay in sababta uu u diiday inuu u codeeyo Muddo-kordhinta ay tahay in xubnaha baarlamaanka aan lagala tashan ka hor inta aan la gudbin hindisaha Muddo-kordhinta, balse si deg-deg ah loo meel-mariyey.

Dhanka kale, Telefiishanka ABC NEWS, ayaa ka warramay hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku Tallaabsatay wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

“Somaliland, waxay ilaashatay Dawladnimadeeda, waxay leedahay lacag iyo hannaan amni, inkasta oo aanay Caalamka ka helin aqoonsi..” ayuu qoray ABC NEWS, waxaanu intaa ku daray “Sanadihii la soo dhaafay, Somaliland waxa ay si weyn ugu guuleysatay in ay qabato doorashooyin caadi ah, kuwaasi oo ay ku jiraan doorashooyinkii baarlamaanka iyo Goleyaasha degaanka ee sanadkii hore..”

Ugu dambayn, Warbaahinta Caalamiga ah ee War-bixinnada ka qoray arrintan, ayaan intaas ku koobnayn, balse waxa sidan oo kale wax uga qoray Wakaaladda Reuters iyo kuwo kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories