HomeWAR DEG-DEG AH: Haweenay Guddoomiye ka ah Xarunta lagu daryeelo Carruurta Dabi-jiifka...

WAR DEG-DEG AH: Haweenay Guddoomiye ka ah Xarunta lagu daryeelo Carruurta Dabi-jiifka ah oo Ciidamada Boolisku Xabsiga u taxaabeen iyo Xisbiga UCID oo Si Adag u cambaareeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ayaa caawa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha  xarunta xanaanaynta iyo dhaqan-celinta Caruurta Derbijiifka ah Marwo Luul Xasan Mataan oo ciidamadu ka kaxeeyeen gurigeeda.

Xubno ka mid ah qoyska Luul Xasan Mataan ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadu u kaxeeyeen isla markaana ay ku xidhan tahay saldhigga Dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ilaa imikana lama caddeyn sababtay keentay in xabsiga loo taxaabo, haseyeeshee inta la ogyahay waxa muddooyinkii u dambeeyey khilaaf xooggani u dhexeeyay wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada oo hore ugu wargelisay haweenaydan inay maamulka xaruntaas ku soo wareejiso xukuumadda, balse ay iyaduna ku gacan-saydhay.

Dhinaca kale, xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay xadhigga loo geystay haweenaydan, waxaanay ku cambaareeyeen xukuumadda in xabsiga loo taxaabo haweenaydan oo masuul ka ah xarun ay ku xeraysan yihiin tobannaan carruur darbi-jiif ah iyo qaar agoon ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Xisbiga UCID kuna saxeexan yahay xoghayaha Warfaafinta ee xisbigaas, ayaa u dhignaa sidan: “Waxa Caawa oo taarikhdu tahay 26/10/2013 u Xisbiga Ucid soo saaray war-Saxaafadeedkan aanu Si adag ugu canbaareyno Xadhiga Xaqdarada ah ee ay xukuumadu ku Xidhey maanta  Hooyadii ama Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee Luul Xasan Mataan eeku taala Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa.   Waxaana runtii ah wax laga xumaado,isla markaana laga xishoodo in Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu uu Xadhig Xaqdaro ah Ku Xidho Aasaasihii islamarkaasna ah maamulaha xaruntaasi Marwo Luul Xasan Mataan sifo ka baxsan Bila aadanimada iyo Shuruucda Dalka U Taalaba in Maanta lagu Xidho Saldhiga Dhexe,iyada Oo Caawa ay Masuul ka tahey wixii dhibaato ah ee ka dhacda Xarunta Darbi Jiifka Xukuumada Xidhey Maamulahoodii

Hadaba.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa u soo mara foojarka deeqda yar ee ay xukuumaddu ugu deeqdo 150 ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo min 4000 SL Shillings maalintii ay siiso ilmihiiba, taasna macnaheeduna maaha in ay wasaaraddu si toos ah iyo si dedban toona u maamusho xaruntaasi.

Iyada Oo 7 bilood Wasiirka Shaqada Iyo Arimha Bulshadu Sifo Sharci daro ah Waraaqo Badalaad ah ugu qorayey Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka Marwo Luul Xasan Mataan.

Xaruntana Waxaa Maamula Gudi Ganacsato ah oo ka Kooban 5 Xubnood isla markaana ka  Madaxbanaan Xukuumada sida Ku Cad Xeer Hoosaadka Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Darbi Jiifka ah

Sidaa Daraadeed Waxa Xisbiga Caadaaladda iyo Daryeelku  u arkaa Xadhiga Xaqdarada ah ee Marwo Luul Xasan Mataan.

In ay sii xoojinayso ama ay ka dhabeysey tuhunkii ahaa in arrintan aanay ka madhnayn siyaasad maadaama maamulaha xarunta ee xukuumaddu toocsanayso ama Eryaneyso ay la dhaltay ama ay walaal yihiin Musharaxa Jaggada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid mudane Cabdirashiid Xasan Mataan.  Taas oo sida la sheegay ay Xukuumadda Kulmiye ka cabsi qabto in caruutaasi darbijiifka ah ay Marwo Luul UCIDEYN karto mustaqbalka.  Waxa aanu xukuumadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaana wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ugu baaqeynaa in caruurta jilicsan ee u nugul dhibaatada ay ka  deyso hagardaamadda oo dhaqaalaha yaraa ee siin jirtay ee ay ka xanibtay mudda 7 bilood ku dhow u sii deyso.  Waxa kale oo aan Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqeynaa in Si Deg Deg Ah Xoriyadeedii Ugu Soo Celiso Marwo luul Xasan Mataan oo ah Hooyada Caruurta Derbijiifka ah ama Maamulaha Xanaaneynta Caruurtaa Yar Yar Ee aan Saacad Xamilikarin in la Waxyeeleeyo, Oo aanay Meelahaas Oo kale siyaasad ka dayin ee ay ku eekaadaan dadka iyo caruurta GURIJIIFTA AH.”

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Md Yusuf  Keyse  A/laahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories