HomeTelesom Ma Shirkad Xayaysiisbaa Mise Waa Shirkad Is-Gaadhsiineed?

Telesom Ma Shirkad Xayaysiisbaa Mise Waa Shirkad Is-Gaadhsiineed?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWaxay saacaddu ku sii siqaysay abbaaro 3:10 habeenimo, waxaan caado u lahaa inaan habeenkii iska damiyo telefoonka gacanta lagu qaato, se habeenkan oo ahaa habeen Arbaca ah waxaan ilaaway inaan damiyo telefoonkaygii gacanta daal aan daalanaa awgeeed oo aan tahli kari waayay intaan daminayo hurdada oo iga xoogwayn awgeed, taasi oo sababtay inaan sariirtaydii ku  gataati dhaco. Waxaan ku toosay anoo hurddada dhagida kaga jira dhawaaqa telefoonka gacanta lagu qaato ka baxaya, inta badan fariimo muhiim ah kamaan heli jirin qaybta fariimaha marka laga taagi waayo mar mar uu telefoonka iga xidhan yahay oo uu isoo gali jiray hal farriin ama laba fariimood kuwaasina waxay ka iman jireen saaxiibada iigu dhaw-dhaw. Waxaan si dagdaga uga salalay hurdadii macaanka badnayd ee aan dhagida kaga jiray, waxaan huleelay oo aan la soo booday telefoonkii si aan u eego fariintan ku soo dhacday xilligan uu Geelina raamsiga joojiyay, waxaa maskaxdayda ku soo dhacayay suáalo faro badan oo aanan awood u lahayn inaan ka jawaabo, dhinac waan ka luloonayaa, dhinacna waan ka gariirayaa, dhinacna waan ka warwarayaa, dhinacna hurdadii ayaa iga haysa oo inaan dhulka ku dhacaan inyar u jiraa. Sida mawjadaha badda oo kale ayay kolba mawjaddii maskaxdayda ku soo butaacaysaa, waxaan ka fikiriyaa talaw ma hebel ayaa go’áy waa kii jilicsanaaye, mise heblaayo ayaa lagu soo booday oo wadnahaa is taagay, waayo umaan baran in xiligan oo kale ay fariini igu soo dhacdo tan iyo maalintii aan qaatay telefoonka gacanta. Anoo bisinka iyo tawxiidka xagga hoose ka akhrisanaya ayaan si taxadar badan u furay una daalacday fariintii ay xanbaarsanayd, mar kaliya ayaan dareemay dagganaan, waxaana igaga soo baxay waxaanan filayn oo igu noqday fajac, amakaag, af-kala qaad iyo u qaadan-waa; waa shirkadda telefoonada ee Telesom oo soo dirtay  xayaysiis ay u samaynayso shirkad ganacsi oo keentay Alaab cusub waxayna u qornayd sidan, “waxaa laguu keenay dharka noocii ugu danbeeyay, kabo jaban, saraawiil jaban oo Turkey ah iyo alaabihii dumarka oo dhamaystiran, fadlan kala xidhiidh telefoonadan hoos ku qoran”,Intaa ka bacdi waxaan isku dayay inaan hurdadii halkaygii ka sii wato oo aan waan waan la galo, se- naxdintii iga soo gaadhay cidii dhawaaqii farriinta soo gashay telefoonkayga gacanta, ayaa wali dhagahayga ka sii qaylinaysa. Sidii qof dhul fog jooga oo war dhiillo ah loo soo sheegay ayuu wali garaacii wadnahaygu dhugta hayaa, mararka qaarkood waxaaban maqli kari lahaa qofka qolka kale hurda, sidaas ayuu waagii iigu baryay anoon hurdo indhaha isku keenin.

Hadaba, shirkada telefoonada ee Telesom oo ka mid ah shirkadaha  is gaadhsiineed ee ugu horeeya uguna ballaadhan carriga Somaliland, ayaad moodaa inay baryahan danbe la soo baxday dhibaatooyin fara badan oo dadkii macmiilka ahaa ka haysta adeeggooda, kuwaas oo intooda badani ay sida fiinta uga qaylinayaan. Haddaba shirkada telesom oo ah shirkad dhib badan ku haysa shacabkeeda oo dadka falanqeeya arimaha bulshadu ay ku tilmaamaan shirkad aan u naxariisan macaamiilkeeda, sidoo kale aan dadka macaamiisheeda faraha badan aan ku celin wax abaal marin ah, inkasta oo ay bilawday in habeenkii saacadaha danbe ay samayso qiimo jabin hadana shacabku umay bogin, waayo wakhtigaa cida soo jeedaaba way iska yartahay, sidoo kale inta habeenkii ay qiimo dhimista sameeyaan ay maalintii dadka ka jaraan oo halkii dollar aanu kugu filaanayn, taasi oo dad badan ku macneeyeen tuugo casriyaysan oo ay shirkadu la soo baxday.

Isku soo wada duuboo, shirkadan telefoonada ee Telesom ayaa baryahan danbe u soo qaadatay inay meesha ka saarto jaraaídadii, websiteskii, Tv-yadii iyo dhamaanba bahwayntii saxaafada oo iyagu ku socday oo kharashkooda yar ee ay isku dabaraan kala soo bixi jiray XAYAYSIISYADA ( Advertisements-ka), ayaa ay hadda shirkadani toos ugala wareegtay, taasi oo sababtay inay albaabada isku xidhaan jaraaido iyo webisites badan oo wadanka ku soo biiray, hadaba arintan ayaan badanka cid ka hadashaa aanay jirin maadaama oo ay shirkada telesom siiso xayaysiis yar jaraaídada laftooda kuwaas oo ay ugu hanjabto in cidii wax ka qorta ay ka goosan doonaan xayaysihiskaa yar ee ay siiyaan ,taasi oo ka soo horjeeda hab dhaqanka ( Ethics) ay shirkadi u dhaqanto,isku soo wada duuboo dadka falanqeeya arimaha bulshada ayaa xoog uga dayrinaya hab dhaqankan casriyaysan ee ay shirkada telesom la soo baxday taasi oo khaati bilaahi ka dhigtay dadkii macaamiisha ahaa ee isticmaalayay shirkadu, si kastaba ha ahaatee waxuu codsi ka imanayaa shacbi-waynaha oo ku doodaya inaanay  ahayn bar tilmaameed xayaysiis ee ay shirkada u  sitaan inay kula xidhiidhaan ehelkooda,qaraabadooda iyo dadka ay danuhu ka dhaxeeyaan, laakin hadii ay shirkadu hab dhaqankan wax ka badali waydo ay sababi doonto in laga dareero oo hadh cad la qubo kaadhadhkooda ( Sim Cards), taasi oo sumcad daro iyo karaamo beel ku keeni doonta shirkada lafteeda, ugu danbayntii shirkada telesom xaq uguma laha inay dadka macaamiishooda ah ka buuxiyaan fariimo (Messages) aan loo baahnayn oo aan macno badan sidin,iyadoo ay horena u dhacday inay soo direen fariimo dhan loo qaado la garan waayay, iyaguna aanay wax jawaba ka bixin, iyagoo waliba  fariimahaa soo diraya xiliyo aan ku munaasib ahayn,taasi oo shacbiwaynaha Somaliland guud ahaan ay ka gadoodeen.

Qalinkii : C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email:Samriye99@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories