HomeSuper Transportation and Logistics: Shirkad Adeegyo Casri ah ku soo Kordhisay Socdaalka...

Super Transportation and Logistics: Shirkad Adeegyo Casri ah ku soo Kordhisay Socdaalka Gaadiidka oo Hargeysa lagu Daah-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Super Transportation and Logistics oo ah shirkad cusub oo nidaam casri ah ku soo kordhisay Adeegyada Socdaalka iyo qaadista Alaabooyinka ee isaga goosha gobollada Somaliland iyo dalalka Deriska, ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda daah-furka Shirkadda oo si meeqaam sare leh loo soo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Maamulka sare ee shirkadda, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ganacsato iyo Marti-sharaf kale.

blankMaareeyaha Guud ee Shirkadda Super Transportation and Logistics Maxamuud Ciise Jaamac, ayaa faah-faahin ka bixiyey adeegyada ay shikaddu bulshada u qabanayso, baahiyaha ay daboolayso iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay adeegyada ay qabtaan shirkadaha kale ee hore uga jiray dalka.

“Shirkaddan SUPER Transportation waxay kaga duwan tahay Shirkadaha kale, waxay ku shaqeynaysaa hab Online ah, markaa isaga oo gurigiisa joogaa ayaa waxa uu Booking-gareysanayaa Tigidhka uu ku baxayo, iyo weliba alaabta uu dirayo iyo adeegyo kale oo tirro baddan, isaga oo qofku la soconayo kolba halka ay mareyso alaabtiisu”. Ayuu yidhi Maxamuud Aw Ciise Jaamac.

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq oo munaasibadda ka hadlay, waxa uu shirkadda cusub ee Super Transportation and Logistics ku tilmaamay shaqada ay qaban doonto mid loo baahnaa isla markaana ku soo beegantay xilli casriya oo ay maanta dunidu ku naaloonayso adeegyada kaladuwan ee Tiknolojiyadda casriga ah oo gundhig u ah adeegyada cusub ee shirkaddu kaga duwan tahay shirkadaha kale.

blank“Inaan ka soo qeybgalo daah-furka Shirkadda SUPER aad ayaan ugu faraxsanay, tartanka ganacsiguna wuxuu abuurayaa inuu dadweynaha reer Somaliland u fududeeyo waxyaabo baddan. Shirkadda hore oo adeeg-ga bulshada ayaa jiray, laakin Shirkadda SUPER waxay kaga duwan tahay adiga oo Xaafaddada jooga inaad ka dalbanayso tigidhkaaga oo aan wakhtiga kaa dhacayn, taasina waxay ina tusinaysaa halka uu maanta dalku ka gaadhay tignoolajiyada”.Ayuu yidhi Agaasimuhu.

blankSarkaal sare oo ka socday Shirkada Caymiska ee Amaano Insurance Liibaan Maxamed Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan bogaadinayaa Maamulka iyo Mulkiilayaasha Shirkadda SUPER Transportation &Logistics maalgashigan baaxada leh ee ay dalka ku soo kordhiyeen oo dhaqaalaha waddanka wax baddan ku soo kordhin doonaa”.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Maamulaha Isu-xidhka Gaadiidka shirkadda ee u kala gooshaya gobollada Bari ee dalka Maamul-goboleedka Punland Axmed Maxamed Saleebaan, ayaa ka sheekeeyey qaabka ay shaqadu uga hawl-galidoonaan isaga oo dhinaca kalena tilmaamay arrimahan soo socda.

blankAgaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarina Jidadka Nagiib Maxamed Diiriye, ayaa maamulka iyo darawallada gaadiidka shirkadda ku booriyey inay muhiimadda koowaad siiyaan bad-qabka rakaabka iyo nabadgelyada: “Waxaynu Shirkaddan cusub ee SUPER ugu duceynaynaa inuu ILAAHAY u barakeeyo maalgashadayaasha, waxay soo kordhiyeen hab casriya oo bulshada wax baddan u fududeyn doonaa”.Ayuu yidhi Nagiib.

Cabdullaahi Balaaki oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xafladaasi  ka hadlay ayaa maalgashadeyaasha shirkadda ku bogaadiyey adeegyada Casriga ah ee ay dheer yihiin shirkadihii suuqa ugu jiray bulshada u qaban jireen inay Shaqo-abuur hor leh u sameeyaan Dhalinyarada dalka.

blankDr Cabdifataax Ibaahim oo ku hadlayey afka Aqoonyahanka munaasibadda ka qayb-galay, ayaa sheegay in maal-geshiga ganacsiyada noocan ahi ku dhiirri-gelinayaan inay qurba-jooga dalka iyo kuwa dalalka Jaarka ahi maal-gashi ka sameeyaan suuqyada dihin ee Somaliland.

Mujaahid Aadan-Ruush oo ka tirsanaa Ururkii SNM isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa saamilleyda shirkadda iyo maamulkeeda-ba ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf ku keeni kara shaqada shikadda. waxa uu Mujaahidku ganacsatada dalka kula taliyey inaanay Jawaanno bariis ah dibadda ka soo waaridin,balse ay dalkooda maal-gashadaan oo wershado ka hir-geliyaan waddanka.

blank“Shirkadda Super Transport and Logistics waxa la yimaadeen Adeeg cusub, amaanadana waanu xafidaynaa ayey sheegeen waa inay ka dhabeeyaan, oo Tusaale fiican ay noqdan”. Ayuu yidhi Mujaahid Aaden Ruush oo ka mida ahaa Ururkii SNM.

Shirkadda Super Transport and Logistics oo xafiisyo ku leh gobollada Dalka iyo waddamada Deriska, ayaa sida maamulka shirkaddu sheegay, adeeggoodu kaga duwan yahay shirkadaha hore uga jiray dalka inay ku shaqaynayso Hab Online ah oo macaamiishu ku dalbanayaan tigidhooda. Waxa kale oo shikaddu hirgelisay nidaam GPRS oo lagu soconayo laguna kaantaroolayo xawaaraha Gaadiidka si loo sugo bad-qabka dadka iyo Gaadiidka. Habkan ayaa sidoo kale fududaynaya inay dadku si toos ah ula socdaan Alaabooyinka ay u dirayaan gobollada dalka.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories