HomeShirkadda Telesom oo Daahfurtay Adeeg Casriya Oo Lagu Magacaabo Xoogsade

Shirkadda Telesom oo Daahfurtay Adeeg Casriya Oo Lagu Magacaabo Xoogsade

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Afrika oo Si Wadda Jir ah u  Daahfuray Adeegga Cusub ee Xoogsade

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee horumarinta Afrika ayaa maanta si wadda jir ah u daahfuray adeegga cusub ee Xoogsade, Adeegan oo kuu sahlaya in aad dalban karto farsamo-yaqaano xirfad leh adiga oo jooga gurigaaga iyo goobtaada shaqo.

Munaasibada lagu daah-furaayey adeegga Xoogsadda oo ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  Xog-hayaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Daladda SONYO, masuuliyiin ka socotey hay’addaha goloyaasha qaranka, Shirkadaha ganacsiga, ururadda rayidka ah, farsamoyaqaano ka qaybgalay iyo marti-sharaf kale.

Munaasibada waxaa ka hadashay Garyaqaanadda Guud Telesom marwo Ilhaan Dahir Xasan waxaanay sheegtay in adeegan (XOOGSADE) uu shaqo-abuur u sameyn doono dadka leh xirfadaha: cunto-karinta, cilaan-saarka, biyo-galinta, dhismaha, nijaaradda, makaanikada iyo timo-jarista. Garyaqaan Ilhaan ayaa sidoo kale sheegay in adeeggan Xoogsade uu si weyn uga faa’iidi doonaan haweenku.

Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) Madaxa Waaxda Iib-geynta ee shirkadda Telesom ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeeggan Xoogsade, waxaanu sheegay in adeegani uu isku xidhi doono qofka xirfadda leh iyo qofka doonaya in loo qabto adeeg. Madaxa Suuq-geynta Telesom ayaa sheegay in adeegani uu kaga duwan yahay adeegyadda kale, qof doonaya in shaqo loo qabto uu helaayo qof xirfaddiisa la hubo  lana xaqiijiyey xirfadiisa, tababar-na la soo siiyey, akhlaaqdiisu dhisan tahay. Haddaba qof doonaya inuu helo qof xirfadle ah, waxa uu garaacayaa lambarka *403# si bilaash ah.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo bulshadda ku dhiiri-galinaysa in laga faa’iidayso barnaamijkan ayaa tidhi, “In aynu farsamadan oo kale ka faa’iidaysanaa waxay sababeysaa saddex shey: Marka koowaad dadku inay dalkiisa ku nagaadaan, sababtey ugu nagaadayaana, waa inay ka baxaan shaqo la’aanta baahsan; marka labaad qofku inuu noloshiisa oo dhameystiran heli karo, waayo dhaqaaluhu waa waxa adigana wax kaa dhigaya qoyskaagana wax ugu qaban karto; ta saddexeysaana waxaa weeye inaynu qarankeena wax ku celin karno”.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii soo tababaray xirfadlayaasha ayaa u mahadnaqay shirkadda Telesom iyo hay’adda Maraykanka ah ee Horumarinta Afrika oo maal-galisay xirfadlayaasha barnaamijkan lagu bilaabay ee tababaradda la siiyey. Waxaanay soo dhaweeyeen Adeeggan Xoogsade oo ay sheegay in uu yahay barnaamij tiknoolajiyeed oo xaliyey dhibaatadda dadka ka haystay inay helaan farsamoyaqaano aqoon leh soo ay si degdega u heli karaan iyagoo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyada.

Agaasimaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Cali Cabdilaahi Daahir iyo Xoghaya rugta ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cilmi waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen barnaamijkan ay shirkadda Telesom soo bandhigtay, waxaanay sido kale hambalyo u direen oo ay bogaadiyeen shirkadda Telesom iyo dadkii kale ee soo qaban-qaabiyey barnaamijkan.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO DAAH-FURKA ADEEGGA SHIRKADDU SOO KORDHISAY:

somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories