HomeShirkadda TELESOM oo $20,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waddada Isku Xidha Berbera iyo...

Shirkadda TELESOM oo $20,000 Ugu Deeqday Dhismaha Waddada Isku Xidha Berbera iyo Raari-buur

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis, written by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)-...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ka qayb-qaadatay dhismaha waddada isku xidha Berbera ilaa Raari-buur. Shirkadda Telesom ayaa waddadan kaga qayb-qaadatay deeq lacageed oo dhan $20,000.

Dhismaha Waddadan oo cabirkeedu dhan yahay 142km waxaa ku bixi doona kharash lagu qiyaasay $1 milyan oo dollar waxaana iska kaashanaya Bulshadda deegaanka, Dawladda Somaliland, maamulka gobolka Saaxil, shirkadda Telesom iyo ganacsato kale oo badan.

Waddada-berberaMashruuca dhismaha waddadan oo socday in muddo ah ayaa si rasmi ah u bilaabmay bishii November 2013, waxaana ilaa hadda la dhamaystiray qiyaastii 50km.

Shirkadda Telesom oo markasta u heelan in si mug leh ugu qayb qaadato mashaariicda horumarka dalka waxay wajigan koobaad ee mashruucan kaga qayb-qaadatay $20,000. Munaasibada gudoonsiinta lacagtan oo ka dhacday xarunta Guud ee Telesom waxaa lacagtaasi la gudoonsiiyey guddida dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur.

cabdisalaanAgaasimaha Gacansiga ee Shirkadda Telesom, Md. Cabdisalaan Ismaacil Nuur, ayaa mahadnaq u soo jeediyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ka qaybqaadanaaya mashruucan dhismaha waddada iyo waxa ay shirkadda Telesom kaga qaybgalayso mashruucan, isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Waxaynu maanta iskugu nimid in aanu ku wareejino guddida dhismaha waddada Berbera ilaa Raari-buur oo runtii shaqo weyn soo qabtay lacag qadarkeedu yahay $20,000 oo shirkadda Telesom ugu talo gashay in ay kaga qayb-gasho qaybta hore ee mashruuca dhisidda waddada. Waxaa maanta halkan nala fadhiya oo aan gudoonsiinaynaa deeqdaa lacageed guddida is abaabusay ee bulshadda ka mid ah. Waxaan run ahaantii u mahad celin lahaa dhamaan ciddii isku hawshay hawshan runtii khayriga ah ee umadda oo dhami wadda leedahay ee khayriga ah ka qaybgashay, waxaan u mahad celin lahaa dhamaan shirkaddihii, dawladda, hay’addaha iyo cidkasta oo is abaabushay oo khayrkaasi ka qayb-gashay ”.

Md. Cabdisalaan Ismaacil ayaa u mahadnaqay shirkadihii, bulshadda iyo dawladda Somaliland ee iska kaashaday dhismaha waddan weyn laga hirgalinaayo deegaanka u dhexeeya Berbera ilaa Raari-buur.

Maxamed Axmed Faarax (Fool) oo ka mid ah guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqdan ay shirkadu ugu deeqday waddada waxaanu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom tixgalinta iyo deeqdan $20,000 ee ay ugu deeqday waddadaas shirkadduna tani maaha mid ku cusub qaybaha ay ka qaadato horumarka dalka, waa wax runtii cid walba u ogsoon tahay”. Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Fool.

Cumar Xasan Yawlac oo isna ku hadlaayey afka guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raaribuur ayaa yidhi, “Shirkadda Telesom oo hormuud ka ah inta badan waxqabadka dalka iyo horumarka adeega loo qabanaayo bulshadda dhinac kastaba ha ahaatee sida wadooyinka iyo dhakhtaradda iyo iskuuladda iyo caruurta darbi-jiifka ah, agoonta, masaajidda iyo wixii la mid ah. Ayaa waxaanu halkan uga soo jeedinaynaa mahad aad u balaadhan iyo tixgalin aanu runtii u soo jeedinayno Company (shirkadda) waxaanan leenahay marka ugu horaysa Jazaakumulaahi khayral Jazaa”.

gudida-wadada0berberaUgu dambayntii Guddida Dhismaha Waddada Berbera ilaa Raari-buur ayaa shirkadda Telesom u soo jeediyey in aanay deeqdani noqon tii ugu dambaysay balse ay ka sidoo kale ka qaybqaadato qaybaha dambe ee Mashruuca.

Deeqdan shirkadda Telesom kaga qayb-qaadatay dhismaha waddadan Berbera ilaa Raari-buur ayaa noqonaysa tababarucaadkii labaad ee ay ilaa labadan bilood ee u dambeeyey sanadkan ee ay kaga qaybqaadato dhismaha horumarinta wadooyinka dalka.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories