HomeSomali NewsSomalilandShir Lagu Lafa-gurayey Xaalada Uu Marayo Xeerka Daryeelka Dadka Naafada Somaliland Oo...

Shir Lagu Lafa-gurayey Xaalada Uu Marayo Xeerka Daryeelka Dadka Naafada Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa, Baaqna Laga Soo Saaray.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland MESAF oo laashay xeerkii daryeelka dadka Naafada 2021,…….”

Shir lagu lafa-gurayey xeerkii qabyo-qoraalka ahaa ee dadka Naafada Somaliland oo soo baxay Sannadkii 2021, ayaa lagu qabtay Huteelka Guuleed Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo qabsoomay taariikhdu markay ahayd 16-17-ka November 2025,kaas oo ay soo qaban-qaabisay Ururka Haweenka ee Magaciisa loo soo gaabiyo AWFO (Alkownin Women Voluntary Organization), isla markaana ay taageereysay hay’ad Goboleed-ka Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo SIHA NETWORK.

Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan hay’adaha ay khuseyso, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada, Dallada Ururada dadka Naafada ah ee SNDF iyo qaar ka mida Ururada bulshada rayidka,kaas oo lagu lafa-gurayay halka uu marayo Xeerkii qabyo-qoraalka ahaa ee daryeelka dadka naafada ah“Somaliland National Disability Act Draft 2021”,isla markaana loo horgeyn ahaa Golaha Wakiilada Somaliland si ay u meel-mariyaan.

Gudoomiyaha Ururka haweenka AWFO (Alkownin Women Voluntary Organization) Marwo Hodan Abdi oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay u-jeeddada ay shirkan u soo qaban-qaabiyeen inuu yahay inay ogaadaan inuu xeerkan daryeelka Naafadu uu daboolayo baahiyaha iyo xuquuqda haweenka Naafada ah. “Muddo labada cisho ah ee uu inoo socdo Shirku waxa falaneyn doona Xeerka daryeelka dadka naafada ah ee qabyo-qoraalka oo soo baxay 2021-dii, si looga soo saaro go’aano wax ku ool ah”. Ayey tidhi Gudoomiye Hodan Abdi Siciid.

Agaasimaha Dallada Naafada Somaliland ee SNDF  Sakariye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xeerkii daryeelka dadka Naafada ah uu meel wanaagsan marayo, isla markana markaana uu gacanta ku hayo Garyaqaanka guud ee dawladu, lana filayo in mustaqbalka dhow loo gudbin doono Golaha Wakiillada Somaliland si ay u ansixiyaan.

Dood iyo falanqeyn dheer oo ay muddada labada cisho ah ay sameeyeen ka soo qeybgalayaashi shirkaasi, waxa lagu ogaaday in Wasaaradda Shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland MESAF ay gebi ahaan-ba Meesha ka saartay xeerkii ilaalinta xuquuqda dadka Naafada ah ee soo baxay 2021, kaas oo dhigayey in la sameeyo guddida heer qaran ah (National Disability Commission), oo ka kooban wakiilo ka socda dhammaan noocyada dadka naafada ah ee Somaliland ka jira.

Nasiib-darro waxay ka qeybgalayaashu ogaadeen in Wasaaraddii gebi ahaan-ba ay bedeshay Xeerkii daryeelka dadka Naafada ah “Somaliland National Disability Act 2021”, kadib markii ka soo qeybgalayaasha shirka loo soo bandhigay Xeerka cusub ee ay Wasaaraddu isleekaysiisay, kaas oo muujinaya in aanay dadka naafada ahi wax ka qeybgala ku lahayn markii la sameynayey.

Falanqeyn iyo dood dheer kadib waxay ka qeybgalayaasha Shirku ay soo jeediyeen waxyaabaha ay u maleynayaan inay sabab u tahay in Wasaaraddu gebi ahaan-ba baabiiso Xeerkaasi oo ah sidan hoos ku xusan:-

  1. Wasiirka, Wasiir Kuxigeenka, iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada iyo bulshada Somaliland oo ah hoggaanka cusub oo aan wax xog ah ka haynin marxaladihii iyo geedi socodkii loo soo maray sammeynta Xeerkaas oo ku yimi rabitaanka dadka naafada ee Somaliland.
  2. Waaxda arrimaha dadka Naafada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland MESAF oo laga gacan maroojiyey masuuliyiintii dadka naafada ah ee loogu tallogalay inay waaxdaa hogaamiyaan,haatana ay gacanta ku hayaan dad aan naafo ahayn,isla markaana aan xil iska saarayn difaacida xeerkii daryeelka dadka naafada ah.
  3. Madaxweynaha Somailand Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo gebi ahaan-ba meesha ka saaray Jagadii La-taliyaha arriamaha Naafada ee Madaxweynaha Somaliland, xilkaas oo uu hore u magaacay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sannadkii 2017-kii. Xilkaas la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Naafada oo muhiim u ahaa isku xidhka dadka naafada ah iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka soo qeybgalayaashii shirkaas oo ka koobnaa Kotton xubnood (50) waxay walaac-weyn ka muujiyeen talaabada foosha xun ee ay Wasaaradu Meesha kaga saartay xeerkaas.

Ugu danbeyntiina waxa uu shirku go’aamiyey in ka qeybgalayaasha shirku si degdega talaabo uga qaadaan in Wasaaraddu ka noqoto baabiinta xeerkaas.

Si Wasaaradda iyo cidkasta oo arrimaha naafadu khuseeyaan-ba loogu qanciyo in xeerkii ilaainta xuquuqda dadka Naafada ah loo soo celin lahaa, isla markaana loogu meel-marin lahaa sida ugu dhakhsaha baddan,waxa shirweynuhu doortay guddi u ololaysa sidii xeerkaas loo soo celin lahaa, oo loona meel marin lahaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories