HomeSomali NewsSomalilandNatiijada Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland 2005 iyo Liiska Xildhibaanadii ku soo baxay

Natiijada Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland 2005 iyo Liiska Xildhibaanadii ku soo baxay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Bishii October sannadkii 2005-tii waxa Somaliland looga dareeray Doorashadii ugu horeysay ee Shacabku gacantooda ku soo doortaan Xildhibaannada ku metelaya Golaha Wakiillada Somaliland oo 82 mudane ka kooban, waxaana ka qayb-galay murashaxiin tiro badan oo metalyey lixda Gobol ee waaweyn, kuwas oo ka kala sharraxnaa saddexda Xisbiga ee UDUB, Kulmiye iyo UCID.

Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii oo ahayd tii saddexaad ee ka qabsoonta Somaliland, ayaa ahayd doorasho Diiwaan-gelin la’aan lagu galay oo dadku codadkooda dhiibteen wax hal mar ka badan.

Badhtamihii bishii October 2005-tii, waxa ay guddigii Doorashooyinka ee xilligaasi shaaciyeen natiijada codbixintii laga dhiibtay Lixda Gobol ee Sanaag, Togdheer, Sool, Saaxil, Maroodijeex iyo Awdal iyo magacyada 82-ka Xildhibaan ee ku soo baxay doorashadaas oo wadarta codadka ay heleen ahayd 349,291 cod.

Sida uu dhigayo xeerka Doorashooyinka ee Xeer No 20-2-2005, gobol kasta waxa tiro cayiman loo qoondeeyey saami-qaybsiga mudenayaasha Golaha wakiillada. Gobolka Maroodijeex ayaa xeerku u qoondeeyey 20 kursi, gobolka Togdheer 15 kursi, Gobolka Awdal 13 kursi, gobolka Saaxil 10 kursi, gobollada Sanaag iyo Sool oo min 12 kursi ah.

Xildhibaannadii ka soo baxay gobolladaasi waxa ay ku soo baxeen codadka ay shacabku ku soo doorteen marka laga reebo tiro kooban oo xildhibaano ka soo jeeda deegaamo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag oo nidaamka Is-xambaarka ku soo baxay maadaama aanay doorashadu ka qabsoomin deegaannadooda sababo amni awgood.

Muddo 16-sanno kaddib, waxa 31-ka bishan May ee sannadkan ka qabsoomi doona Somaliland Doorashadii labaad ee shacabku gacantooda ku soo doortaan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, taas oo qayb ka ah Doorashooyin Isku Sidkan ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada. Doorashada Golaha Deegaanka ayaa noqon doontaa Doorashadii saddexaad ee shacabku gacantooda ku soo doortaan xildhibaannada ku metelaya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka.

Haddaba, maadaama oo dhawaan la gali doono doorashadii labaad ee Golaha wakiillada Somaliland, waxa ay warbaahinta Somalilandpost.net halkan ugu soo gudbinaysaa akhristeyaasha magacyada 82-kii mudane ee ku soo baxay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, Xisbiyada ay ka soo baxeen iyo tirada Codadkii ay heleen xilligaas.

82-ka mudane ee ku soo baxay Doorashadii 2005-kii, waxa ay 33 ka mid ahi ka soo baxeen xisbigii UDUB, 28 ka mid ahina Xisbiga Kulmiye halka Xisbiga UCID ay ka soo baxeen 21 xildhibaan.

XISBIGII UDUB

A. Gobolka Saaxil

  1. Aadan Diiriye Dirir = 3,309 Cod.
  2. Maxamed Nuur Caraale = 2,710 Cod.
  3. Axmed Xasan Aadan = 2,418 Cod.
  4. Maxamed Jaamac Cilmi = 2,131 Cod.

B. Gobolka Awdal

    1. Cabdi Maxamuud Jaamac = 14,035 Cod
    2. Axmed Barkhad Obsiiye = 9,580 Cod.
    3. Maxamed Barkhad Miigane = 7,841 Cod.
    4. Mahdi X. Xasan Sugaal = 7127 Cod.
    5. Cumar Nuur Cismaan = 5786 Cod.
    6. Cali Sh. Ibraahim Aareeye = 5622 Cod.
    7. Axmed Maxamed Maxamuud Afweyne = 5,135 Cod.

C. Gobolka Sool

    1. Aadan Tarabi Oogle = 2,586 Cod.
    2. Maxamud Dhunkaal Guutaale = 2,166 Cod.
    3. Xariir Siciid Bullaale Warsame = 1,923 Cod.
    4. Maxamed Axmed Maxamuud Dhakool = ISXAMBAAR
    5. Saleebaan Yuusuf Cali Koore = ISXAMBAAR
    6. C/raxmaan Muuse Jaamac = ISXAMBAAR

D. Gobolka Sanaag

    1. Maxamed Saalax Cige Cali = 5,964 Cod.
    2. Maxamed Cumar Jabaabul = 4,798 Cod.
    3. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud = 4,480 Cod.
    4. Ibraahim Maxamed Xuseen Dhaadheere = 4,846 Cod.
    5. Baar Siciid X. Faarax = ISXAMBAAR

E. Gobolka Togdheer

    1. Farxaan Maxamed Cali = 5,908 Cod.
    2. C/casiis Maxamed Dhulcun = 5,743 Cod.
    3. Cali X. Maxamed = 3,872 Cod.
    4. Axmed Maxamuud Nuur = 3,427 Cod
    5. Xuseen Ismaaciil = 3,271 Cod.

F. Gobolka Maroodijeex

    1. Xasan Cawaale Caynaan = 7,854 Cod.
    2. Cabdikariim Aw Cali Shabeel = 6,237 Cod.
    3. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley) = 5,680 Cod.
    4. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde = 5,139 Cod.
    5. C/raxmaan Maxamed Jaamac = 5,058 Cod.
    6. Aadan Muxumed Hoori (Mataan) = 4,412 Cod.

 

XISBIGA UCID

A. Gobolka Saaxil

      1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) = 4,321 Cod.
      2. Axmed Maxamed Cali = 2,333 Cod.
      3. Maxamed Faarax Qabille = 2,223 Cod.
      4. Faarax Maxamed Cabdule = 2,182 Cod.

B. Gobolka Awdal

    1. Muuse Maxamed Ismaaciil Waaberi = 8,226 Cod.
    2. Mahdi C/laahi Maxamed = 4,210 Cod.
    3. Axmed Cabdi Siciid = 3,741 Cod.

C. Gobolka Sool

    1. Cabdiqaadir Askar Xasan = 2,070 Cod.
    2. Siciid Axmed Cilmi = ISXAMBAAR

D. Gobolka Sanaag

    1. Maxamed Cali Jibriil Ducaale = 6,160 Cod.
    2. Saleebaan Cali Cawad Bukhaari = 4,989 Cod.

E. Gobolka Togdheer

    1. Maxamed Jaamac Cali = 5,071 Cod.
    2. Jaamac Xasan Aadan = 4,709 Cod.
    3. Xuseen Maxamed Cige = 3,551 Cod.
    4. Naasir X. Cali Shire = 3,013 Cod.

F. Gobolka Maroodijeex

    1. Khadar Aadan Xuseen Ismaaciil = 9,251 Cod.
    2. Ibraahim Mahdi Buubaa Hurre = 7,980 Cod.
    3. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin = 6,937 Cod.
    4. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale = 6,818 Cod.
    5. Xaashi Xuseen Caabi Xasan = 6,306 Cod.
    6. Maxamed Baaruud Shide Qamac = 6,015 Cod.

 

XISBIGA KULMIYE

A. Gobolka Saaxil

      1. Siciid Cilmi Rooble = 2,510 Cod.
      2. Maxamed Xuseen Ciise = 1,925 Cod.

B. Gobolka Awdal

      1. Abuubakar C/raxmaan Good = 8,952 Cod.
      2. Mahdi Xuseen Cadarre = 4,954 Cod.
      3. Ikraan X. Daa’uud Warsame = 3,510 Cod.

C. Gobolka Sool

    1. Ibraahim Axmed Raygal = 2,190 Cod.
    2. Axmed Ducaale Bullaale = 2,072 Cod
    3. Baashe Maxamed Faarax = ISXAMBAAR
    4. Maxamed Jaamac Cabdi = ISXAMBAAR

D. Gobolka Sanaag

    1. Dr. C/raxmaan Yuusuf Cartan = 7,324 Cod.
    2. Ibraahim Jaamac Rayte = 7,128 Cod.
    3. Yuusuf Maxamed Cali Xayd = 5,854 Cod.
    4. Cismaan Maxamed Xasan Bulqaas = 4,744 Cod.
    5. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) = ISXAMBAR

E. Gobolka Togdheer

    1. Cali Maxamed Xasan = 5,639 Cod.
    2. Prof. Maxamed Cumar Jiir = 4,674 Cod.
    3. Maxamed Ismaaciil Cali = 4,130 Cod.
    4. Cumar Axmed Saleebaan = 4,073 Cod.
    5. Maxamed X. Yuusuf = 3,972 Cod.
    6. Xamse Maxamed Gaadaweyne = ISXAMBAAR.

F. Gobolka Maroodijeex

    1. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) = 8,584 Cod.
    2. Dr. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) = 7,412 Cod.
    3. Cabdicasiis Maxamed Samaale = 6,330 Cod.
    4. Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe = 6,171 Cod.
    5. Ibraahim Axmed Haybe Sh. Muuse = 6,023 Cod.
    6. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi = 5,108 Cod.
    7. Maxamuud Axmed Obsiiye Gaboobe = 5,095 Cod.
    8. Dr. Cali Yuusuf Axmed Jaamac = 4,0951 Cod.

Waxa xusid mudan in Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee la muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May, ay ka qabsoomayso 20 ka mid ah 23-ka Degmo-doorasho ee dalku ka kooban yahay, kuwaas oo ay ku yaallaan 1,642 goob-doorasho, waxaana lagu wadaa inay codadkooda ka dhiiban doonaan 1,297,838 codbixiye oo la diiwaangeliyey.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories