HomeOp-EdMuxuu daraanaa safarkii Ridwaan Xuseen ee Muqdisho?

Muxuu daraanaa safarkii Ridwaan Xuseen ee Muqdisho?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Agaasimaha sirdoonka dalka Ethiopia Ridwaan Xuseen wuxuu maanta ka degay magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa safar aan la sii qorshayn oo si deg deg ah ku dhacay. Markan oo kale haddii madax sirdoon uu dal kale tago, waxa ay ka dhigan tahay in la wado farriin qadhaadh oo lagu ammaani waayey ilihii warka laysugu gudbin jirey.

Sidan oo kale 1977, markii ay Soomaaliya qorshanaynaysay duullaankii ay ku qaaday Itoobiya, waxa Muqdisho ka soo degay wefti uu hoggaaminayey Xaydar Caliyeef oo markii dambe noqday madaxweynihii Azerbaijan aabbena u ahaa ninka hadda Baku ka taliya ee Ilhaan Caliyeef.

Haddaba, Ridwan Xuseen muxuu waday?

Shalay gelinkii dambe Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka Carabta gaar ahaanna heshiisyadii difaac iyo kuwii dhinaca dekedaha. Heshiiska difaac wuxuu ahaa mid Soomaaliya dan ku qabtay balse heshiiska dekeduhu wuxuu ahaa mid saamayn kala duwan yeelanaya, gaar ahaanna magaalada Berbera.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka wax kala so dega dekedda Berbera si weyn bay uga yaabtay warkii Saalax iyo xertiisu akhriyeen, waxayna xalayba yeesheen kulan deg deg ah. Ugu dambayn waxa laysla gartay in Ridwaan Xuseen tago Muqdisho Xasanna gaadhsiiyo in Itoobiya aanay raalli ka ahayn in Imaaraadka lagaga boxo heshiisyadii lala galay.

Ridwaan Xuseen wuxuu Xasan gaadhsiiyey hal farriin oo cad oo ah ” Itoobiya dano badan baa kaga xidhan Berbera, raallina kama ah in laga saaro Imaaraadka Carabta ama buuq lagu furo taa darteed waa in Soomaaliya ka laabto go’aankii shalay, ogolaatona wada hadal ay la gasho reer Nahyaan. Haddii taas Xasan diido waxa uu Ridwaan ku hanjabay in Itoobiya ku dhawaaqi doonto aqoonsiga Somaliland”

Hadalku waxa la sheegay in labada dhinacba uu ka kululaladay oo laysku mari waayey. Xasan wuu cawday balse taas lagama dhegaysan waxana lagu kala tegay safarka Abiy ee Imaaraadka in hawsha oo dhan lagu dhammeeyo Soomaaliyana ka laabto go’aankii shalay.

Maxaa xigay?

Isla maanta gelinkii dambe DP World waxa ay la hadashay Reuters, waxayna tidhi wixii Xasan nama khuseeyaan. Xasanna wuxuu soo duubay muuqaal cadho ka muuqato oo uu lee yahay ” Imaaraadku wuxuu diiday in uu Muqdisho soo maro ooo uu noqdo dawlad Xasan ka amar qaadata”

Maxaa xigi doona?

Itoobiya laba arrimood midna kama kaftami doonto,

  • In buuq lagu furo Berbera oo u ah goob ay wax badan kala soo degto muhiimna ugu ah arrimaha amniga.
  • In Somaliland laga dhex sameeyo jabhado aan la garan karin waxa ay ku dambayn doonaan oo Masar taageerayso.

Haddii uu Xasan diido in uu go’aankaas ka laabto Abiy wuxuu samayn doonaa wixii uu Xasan maanta u sheegay? Oo tolow waa maxay? Qoraalka mar labaad ku laabo si aad jawaabto uga dhex hesho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories