HomeQalinka AqoonyahankaMagacyada Haweenkii Wasiirrada ka soo noqday Somaliland + Wasiirradii ugu Xilalka iyo...

Magacyada Haweenkii Wasiirrada ka soo noqday Somaliland + Wasiirradii ugu Xilalka iyo Muddada dheeraa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan wax ka qorey 285 qof oo wasiir ka soo noqday Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo 1991 ilaa 2025.

Wasiiradan waxa ka mida 10 ka mida hableena oo wasiiro ka soo noqday mudadaas oo ka ah:-

  1. Milgo Maxamed Cilmi Colow (Milgo Sambalooshe)
  2. Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar
  3. Hinda Jaamac Xirsi Maxamed (Hinda Gaani)
  4. Aamina Cilmi Fariid Badeed
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Shugri Baandare)
  6. Samsam Cabdi Aadan
  7. Ilhaan Maxamed Jaamac
  8. Edna Aaden Ismaaciil Guuleed (Edna Aaden Dhakhtar)
  9. Faadumo Suudi Xasan
  10. Deeqa Jaamac Jibril (Deeqa Col-ujoog)

Laga soo bilaabo 1993 kii xukumadii uu soo dhisay ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaa xukuumaddan u danbaysay ee uu soo dhisay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) 14 December 2024 dhamaan waan diiwaan galiyay masuul kasta taariikhdii la magacaabay, waxaan nasiib u helay in aan hayo inta badan wargeysyadii ay ku soo baxeen magacaabista masuuliyiintaas intii u dhaxay 1993 kii ilaa 1999, wargaysyadaa oo u badan wargeyskii Jamhuuriya, wargeyskii Xoriyo, wargeyska Codka iyo Wargeysku dawladu soo saari jirtay ee la odhan jiray wargeyska Geeska Afrika markii danbana loo bixiyay wargeyska Maandeeq hadana loo yaqaan wargeyska Dawan.

Laga soo bilaabo 2000 anoga ayaa gacantayda ku qorey ama wargeysyadii badnaa ee dalka ka soo bixi jirey markii danbe aan ka qoro ama radio hargeysa aan ka qoree, waliba waxa xiiso leh, radio hargeysa inta badan waxaan ka qorey warkii ku celiska ahaa ee habeenkii markay ka sii baxayso.

Hadii aan iyar idanka soo qaado waxa ka mida Wasiirkii wasaaradaha ugu badan soo maray waa abtigay

Cali Maxamed Cabdilaahi (Cali Warancade) wuxuu soo maray:

  1. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
  2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  3. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta
  4. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
  5. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
  6. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta
  7. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
  8. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sidoo kale isna waxa Wasaaraddo badan soo maray Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Ina Dhoolayare) isagoo soo maray:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  2. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
  4. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
  5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
  6. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Waxa iyana aan soo qaadan doonaa Wasiirkii ay soo magacaabeen afar madaxweyne wuxuu ahaa ilaahay ha unaxariistee Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo wasiir ka soo noqday Wasaaradahan:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
  2. Wasiirka Wasaaradda Beeraha
  3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
  4. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
  5. Wasiirka Wasaaradda Warshadaha

Dhanka kale hadii aan soo qaato masuuliyiintii ugu mudada dheera oo si xidhiidh ah jagada wasiirnimo u hayay waxay ahaayeen sidan:-

  1. Cabdilaahi Maxamed Ducaale 17 Sano
  2. Sacad Cali Shire Naaleeye 14 sano
  3. Cabdilaahi Xuseen Iimaan Wacays (Darawal) 12 Sano
  4. Khaliil Cabdillaahi Axmed Rooble 11 Sano
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Shugri Baandare) 11 Sano

Dhanka kale waxaan jeclaystay in aan soo qoro qaar ka mida wargeysyadii dalka ka soo bixi jirey qaarkood oo ku keydsan keydkayga  KAM-QABILLE, wargeysyadan oo soo bixi jirey xiliyo kala danbeeyayay.

  1. Wargeyska Jamhuuriya
  2. Republican Newspaper
  3. Wargeyska Xoriyo
  4. Wargeyska Codka
  5. Wargeyska Geeska Afrika/Maandeeq/Dawan
  6. Horn Tribune Newspaper
  7. Wargeyska Haatuf
  8. The Somaliland Times
  9. Wargeyska Himilo
  10. Wargeyska Geeska Afrika
  11. Wargeyska Ogaal
  12. Wargeyska Waaheen
  13. Wargeyska Saxafi
  14. Wargeyska Hargeysa Star
  15. Wargeyska Codka Shacabka
  16. Wargeyska Maalmaha
  17. Wargeyska Saxansaxo
  18. Wargeyska Xog-Ogaal
  19. Wargeyska Yool
  20. Wargeyska Foore
  21. Wargeyska Hubaal
  22. Wargeyska Somaliland today
  23. Wargeyska Sahan
  24. Wargeyska Hubsad
  25. Wargeyska Waaberi
  26. Wargeyska Warsugan Times
  27. Wargeyska Daallo

 

Wargaysyada wixii aan hayo ee aan ka tagay dib ayaan ka sixi insha allah.

Fiiro Gaara: Waxa jira masuuliyiin ku soo noqnoqday ama dhawr jeer loo magacaabay wasiir oo marka laysku geeyo mudada kala duwan noqonaya sanado balse kuwan waxaan u soo qaatay waa mudo xidhiidh ah.

Waxa waxooga iga dhiman yihiin mudadii ay wasiirada qaarkood xilalka hayeen dawladii ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1993 ka hor Xukumadii cusbayd ee Madaxweyne Cigaal ilaahay ha u naxariistee.

Wargayskan la socda qoraalkan waa mar uu ilaahay ha u naxariistee madaxweyne Cigaal uu isku shaandhayntii ugu balaadhnayd uu sameeyay bishii September 1996, sidoo kale uu isku daray dhawr wasaaradood, qaarna uu baabiyay.

Magacaabis ka muuqata waxa ka mida masuuliyiin cusubaa:-

  1. Cali Maxamed Cabdilaahi Warancade Wasiirka Caafimadka iyo Shaqada
  2. Maxamud Maxamed Ismaacil Guuleed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
  3. Maxamed Maxamud Faarax (Odey) Wasiirka Kaluumaysiga
  4. Axmed Wacays Guhaad Wasiirka Dalxiiska iyo Suugaanta
  5. Baashe Cali Jaamac Wadaad Wasiirkii Biyaha iyo Macdanta
  6. Dr. Saleeban Cabdi Guuleed Maxamed Wasiirka Warfaafinta
  7. Maxamed Cali Yuusuf (Maydhax) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashandhiga

Waxa kale oo xusuusin iga ah in inta badan aan qorey wasiiradan magacooga oo afran ilaa ka shanaad.

XUQUUQDA QORAALKAN HALA DHAWRO.

Khadar Cabdilahi-Qabille.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories