HomeSomali NewsSomaliaMadaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Oo Maanta Ku Kulmay Dalka Jabuuti

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Oo Maanta Ku Kulmay Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dhiggiisa dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kulan ku yeeshay Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas.

Kulanka oo ah kii labaad ee labada madaxweyne ku dhexmara Magaalada Jabuuti, waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo Madaarka Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo ay Dawladda Jabbuuti u soo dirtay, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana halkaa ku qaaabiley kuna soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha iyo waftigiiisa waxa loo galbiyey Qasri loogu talo-galey madaxweynayaasha caalamka ee dalka Jabuuti soo booqda, qaddar nasasho ah ka dibna, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa salaan ugu yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo labada madaxweyne halkaas ku qaatay waqti kooban.

Intaa kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Kulankaa saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli socdaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories