HomeSomali NewsSomaliaMadaxweynaha Soomaaliya Oo Qayla-dhaan u Dirsaday Dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qayla-dhaan u Dirsaday Dalka Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhiggiisa dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Masar Axmed Fahmy.
Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Labada madaxweyne ka wada hadleen xidhiidhka labada waddan iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo wadajirka isla markaana loo sii xoojin lahaa xidhiidha taariikhiga ah ee labada dal wadaagaan.

Af-hayeenka Madaxtooyada ahna La-taliyaha madaxweynaha Masar waxa uu sheegay in wada-hadalka khadka telefoonka ee labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha ka soo cusboonaaday Gobolka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne El-Sisi uu u xaqiijiyay dhiggiisa Soomalaiya mowqifka Masar ee ah inay garab taagan tahay Soomaaliya isla markaana taageerayso amnigeeda iyo xasiloonideeda.

In kasta oo aanu afhayeenku sheegin xaaladaha ka soo cuboonaaday Gobolka ee laga wada-hadlay, haddana waxa la rumaysan in sababata Xidhiidhka madaxweynaha Soomaaliya la sameeyey dhiggiisa Masar ay ku lug leedahay heshiiska dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo madaxda Soomaaliya si weyn uga qayliyeen.
Heshiiska isfaham oo shalay Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa u oggolaanaya Ethiopia inay Somaliland ka hesho saldhig ay ka hawl-galaan Ciidanka Badda Ethiopia, kaas oo cabbirkiisa lagu sheegay 20KM oo ku teedsan xeebaha Somaliland.

Taas Beddelkeeda, Somaliland ayaa dhammeystirka heshiiska ku xidhay inay Dowladda Ethiopia waddan madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la sheegay inuu heshiiska ku jiro Saami ay Dowladda Somaliland ku yeelanayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn qaaradda Afrika.
Masar iyo Ethiopia ayaa ah laba awoodood oo xafiiltan siyasadeed iyo mid juquraafiyeed ka dhexeeyo, iyagoo si weyn isugu khilaafsan Biyaha webiga Nile-ka oo ishiisa ugu weyni ka bilaabanto dalka Ethiopia.

Biyaha Webiga Nile oo dhaqaalaha iyo nolosha dadka Masar ku tiirsan yahay, ayaa xurguf ka dhex abuuray labada waddan, kaddib markii Ethiopia hirgelisay dhismaha biyo-xidhiidheenka ugu weyn qaaradda Afrika ee GERD oo wax weyn ka beddelay ama Yaraynaya qulqulka Biyaha webiga Nile.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories