HomeSomali NewsSomaliaMadaxweynaha Maraykanka Oo Safiir Cusub u Magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka Oo Safiir Cusub u Magacaabay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa Safiir Cusub u magacaabay Dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegto 27-kii bishan March ka soo baxday Aqalka Cad ee Maraykanka.

Madaxweyne Joe Biden, waxa uu Safiirka dalka Maraykanka u magacaabay dublomaasi lagu magacaabo Richard H. Riley oo dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey ka shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Danjire Richard H. Riley, ayaa beddelaya Mr. Larry André oo Xilka Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya la wareegay bishii February 2021-kii.

Safiirka xilka sii bannaynaya ee Maraykanka, ayaa qoraal uu maanta ku baahiyey barta Twitterka ee Safaaradda Maraykanka ku sheegay inuu khadka tefeonka kula hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay ka wada-hadleen xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

“Madaxweyne Biixi wuxuu awood u leeyahay inuu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku sugan iyo inuu diyaariyo nidaam suurtagelinaya qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Wada-xaajood aan galabta la yeeshay, waxaan ku dhiirigaliyay inuu sameeyo labada arrimoodba.” Sidaas ayuu safiirku ku sheegay qoraalkiisa oo qaladaad dublomaasiyeed ka muuqday marka loo eego siyaasadda Dowladda Maraykanka ee Gobolka Geeska Afrika.

Horaantii bishan March, ayaa la shaaciyey inuu Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Larry André ka fadhiisanayo xilka uu hayo, iyadoo sababta keentay arrintan lagu sifeeyey qaladaad dublomaasiyeed oo uu galay masuulkan oo Xilkaas loo magacaabay hal sanno ka hor safarkii madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Dalka Maraykanka bishii March sannadkii 2022-dii.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories