HomeSomali NewsKooxda Al-Shabaab oo soo dhaweeyay geeridii Mucammer Al-Qadafi

Kooxda Al-Shabaab oo soo dhaweeyay geeridii Mucammer Al-Qadafi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Cajalad maqal ah oo shalay laga baahiyey warbaahinta ku hadasho codka Al-Shabaab ayuu kaga hadlay hogaamiyaha ururkaasi Axmed Godane dagaallada ay kula jiraan ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda TFG, isla markaana waxa soo dhaweeyay dilkii lagu khaarajiyay Mucammer Al-Qaddafi.

Amiirka Al-shabab, Sheekh Mukhtar Abu Zubeyr oo magaciisa saxda ahi yahay Axmed Cabdi Godane ayaa ugu hambalyeeyay dadka Liibya dilka hogaamiyihii hore ee dalkaas oo Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Sirte. Waxa uu sheegay inay shacabka Liibya laabeen bog mugdi ahaa oo u furnaa mudo 42 sanadood ahayd, isla markaana ay furteen bog kale oo cusub, isaga oo ku tilmaamay Al-Qadaafi hogaamiye keligii-talis ahaa.

Dhinaca kale, waxa uu Axmed Godane waxa uu  hambalyeeyay dagaalyahadana Al-Shabab iyo dadka ku nool degmada Dayniile dilka askartii AMISOM ee ay maydadkooda soo bandhigeen, waxaanu sheegay inay sii wadi doonaan waxa uu ku tilmaamay jihaadka. Abu Zubeyr waxa la sheegay inuu u duceeyay qabiilka dega Degmada Dayniile, isaga oo ku amaanay siday uga qaybqaadanayaan dagaalka maalintii saddexaad ka socda Dayniile oo ay Al -Shabaab isaga caabinayaan weerar ay ku qaadeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.

“Waxa heegan la geliyay dagaalyahanada Al-shabaab ee gobollada aanu maamulo, si looga hortago dagaal ka soo wajahan cadowga,” ayuu yidhi Axmed Godane oo loo yaqaano Abu Zubeyr. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmay xilli kooxda Al-shabaab ay dagaalo kaga furan yihiin jihooyin kala duwan oo ay ugu xoog badan tahay Muqdisho.

Somalilandpost.news

Contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories