HomeKiiniya oo Maxkamadda ICJ u Gudbisay Caddaymo La Xidhiidha Muranka Badda ee...

Kiiniya oo Maxkamadda ICJ u Gudbisay Caddaymo La Xidhiidha Muranka Badda ee Soomaaliya u Dhexeeya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Nairobi(SLpost)-Xukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddaymo la xidhiidha muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Somalia, iyadoo xukuumadda Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu soo daabacay shalay oo Jimce ah ku sheegay in caddeymahan oo uu gudbiyay xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya, Githu Muigai ay yihiin xog la ururiyay toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

“Maxkamadda ICJ waxaan u gudbinnay xogta rasmiga ah ee la xidhiidha xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa, si loo caddeeyo xuduudda,” ayuu yidhi xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in xuduudda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayna ahayn sharcigii xuduudda badda ee la dajiyay sanadkii 1980-kii, balse ay tahay mid taas ka duwan, isagoo warkiisa raaciyay in xuduuddooda ay tahay qaab saddex-xagal ah oo qiyaastiisu tahay 100,000-KM oo bariga xeebta dalka Kenya ku aaddan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Kenya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in xuduudan ay tahay mid ay heshiis kula galeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray sannadkii 2009-kii, taasoo ay ku doonayeen in lagu xaliyo muranka badda ee u dhexeeya labada wadan. Isagoo intaas ku daray inay arrintan oo kale ay hore uga dhacday badda ay waddanka Tansaaniya la wadaagaan, sidaan oo kalena lagu xalliyay sanadihii la soo dhaafay.

“Dacwaddii ay maxkamadda ICJ u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia iyo wafdigii uu hoggaaminayay waxay ahayd mid aan fadhiyin. Cadeymaha dacwadda ay gudbiyeenna waa mid ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleen sanadkii 2014-kii. Dacwadda ay dowladda Somalia gudbisayna waa mid ka hor-imaanaysa heshiiskaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Githu Muigai.

Kenya ayaa doonaysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyadu u doonayso in uu ahaado oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Somalia, halka dowladda Somalia ay ku doodayso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Ugu dabmeyn, Xukuumadda Kenya ayaa waxayna doonaysaa in muranka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamad. Iyadoo dowladda FS ay dhawaan diiday in xeer-jajab lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhexeeya, ayna ku kalsoon tahay go’aanka kasoo baxa maxkamadda Qaramada Midoobay.

 

Somalilandpost, 2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories