HomeSomali NewsHoggaamiyaha Guud ee Kooxda Hubaysan ee Al-Shabaab oo la Waraystay iyo Arrimo...

Hoggaamiyaha Guud ee Kooxda Hubaysan ee Al-Shabaab oo la Waraystay iyo Arrimo xaasaasi ah oo uu ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)– Hoggaamiyaha Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu-Zubeyr oo wareysi siiyay idaacadda ku hadasha afkooda ee Al-Andulus ayaa sheegay in hadafkii loo aasaasay Al-Shabaab ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa khilaafadii Islaamka iyo in sharciga Alle la isku maamulo.

Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in manhajka Al-Shabaab uu yahay Ahlusunna Waljamaaca, ayna ku joogaan jidkii saxaabada iyo culummadii kale ee ka dambeeyay.

“Hadaflka Al-Shabaab loo aasaasay waa asal u ah soo celinta khilaafadii Islaamka, in diinta Islaamka la oogo iyo in laga hortago duulaannada looga horjeedo Islaamka ee ka jira dunida,” ayuu yidhi Amiirka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ahdaafta ay ka mid tahay in laga hor tago ka hortagga xukuumadda cilmaaniga ah, ummaddana lagu mideeyo diinta islaamka iyo in lasoo furto muslimiinta ku xidhan xabsiyada.

“Waxaan hadafyadeenna ka mid ah in laga hor tago kuwa doonaya inay ummadda boobaan si ay isugu fillaadaan. Runtiina ahdaaftaan qaarkood waa la xaqiijiyay kuwo kalena waa dhiman yihiin,” ayuu amiirku hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu mucaaraday maxkamadihii Islaamka ee awoodda kala wareegay Muqdisho hoggaamiye kooxeedyadii, isaga oo sheegay in mas’uuliyiinta maxkamadda ay ku jireen kuwo doonayay xilligaas in awoodda lala qaybsado xukuumaddii markaas jirtay ee Cabdillaahi Yuusuf.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay kala miirmeen oo ay kala baxeen iyaga iyo raggii uu sheegay inay doonayeen in xukuumadda wax lala wadaago, isaga oo sheegay inay ku taagnaan doonaan dariiqa ay ku taagan yihiin illaa ahdaaftooda ay uga suurto-galayso. Amiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay aqoontii u lahaa Sheekh Aadan Xaashi Cayrow iyo sida ay geeridiisu wax uga beddeshay noloshiisa, waxaanu sheegay in ay ahayd mid taabatay dareenkiisa.

Wareysigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Amiirka Al-Shabaab uu si toos ah u siiyo idaacadda ku hadasha afkooda, iyadoo Xarakada Al-Shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo badhtamaha lagu eedeeyaa inay ku kacdo falal ka dhan bani’aadamnimada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories