HomeHambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee...

Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Beesha caalamka iyo warbaahin kala duwan oo dunida ah, ayaa ka hadashay natiijada doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Guddiga Doorashadu shaacisay 21-kii bishan November, taas oo ay ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo ay u sharraxnaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo helay in ka badan 55% codadkii shacabka Somaliland dhiibteen.
FB_IMG_1511381734345Madaxda qaar ka mid ah dalalka jaarka ah iyo kuwo kale oo caalamka ku yaal, ayaa dhambaalo kala duwan u soo diray Madaxweynaha cusub ee shacabka Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo badhkood warbaahinta ku baahiyeen halka kuwo kale oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Ethiopia iyo safiirrada Safaaradaha Maraykanka, EU-da, Jarmalka ay xidhiidho toos ah ay la soo sameeyeen Madaxweynaha oo ku bogaadiyeen doorashadiisa madaxtinimada dalka, iyagoo u rajeeyey inuu ku guulaysto xilka culus ee fuulay.
Safiirka dawladda Ingiriiska (UK) u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Amb. David Concar, ayaa isna farriin muuqaal ah oo laga duubay, laguna baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho ku hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku hanwaynyahay in dawladda Madaxweyne Muuse Biixi sii xoojin doonto xidhiidhka ka dhexeeya dalkiisa Ingiriiska oo ah mid qoto taariikhi ah oo cilaaqaad qoto dheeri ka dhexeeyo.
Sidoo kale, dalalka saaxiibada la ah Somaliland ee ka qaybqaatay dhaqaalihii lagu hirgeliyey diiwaangelintii codbixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa iyaguna war-murtiyeed ay soo saareen ku soo dhaweeyey natiijada doorashada ee uu ku dhawaaqay Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyo Madaxweynaha ku soo baxay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo isna Madaxweynaha cusub khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim isagoo ku sugan magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, waxaannu hambalyo iyo bogaadin kadibna uu Alle uga baryey Madaxweynaha inuu gudashada xilkaasi u fududeeyo, kana dhigo kii caddaalad iyo horumar ku hoggaamiya ummaddiisa.
Dhinaca kale, warbaahin fara badan oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee adduunka oo isugu jira telefishanno, jaraa’id iyo wakaaladaha wararka ee caanka ah, ayaa warbixinno ka sameeyey natiijada doorashada Somaliland ka qabsoontay oo la isku raacay inay ahayd tii ugu hufnaanta badnayd oo la adeegsaday diiwaangelin lagu hirgeliyey tiknoolajiga casriga ah ee sawira bu’da indhaha.
Warbaahinta caalamku waxay warrantay natiijada kasoo baxay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii Nov.2017, waxaanay dhammaantood sheegeen in tartankii u dhexeeyey saddexda Musharrax ee ku loollamayey jagada Madaxweynaha uu ku guuleystay Musharraxii xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo noqonaya Madaxweynaha 5aad ee beddeli doona Madaxweynaha hadda Mudane Axmad Maxamed Siilaanyo oo siday warbaahintu sheegeen isagu diiday inuu jagadaa isku soo taago muddo xilliyadkiisa labaad, taasi oo iyaduna noqotay ammaan gaar ah oo uu dheeraaday madaxda Afrikaanka ah.
Warbaahinta kala duwan oo ay ka mid yihiin kala duwan oo ay ka mid yihiin; BBC, VOA, FOXNEWS, TRIBUNE [USA], NEWS24, HORNDIPLOMAT, AFRICAREVIEW, MAGAZETINI, BLOOMBERGQUINT, CETUSNEWS, iyo Wakaaladda Wararka ee dalka Shiinaha oo la yidhaa [XINHUA], ethiopiaobserver.com, mereja.com, updatesnews.com, worldnews.easybranches.com, worldaffairsjournal.org, newsafrica.ga, kenya.myasalon.com, latestafricanews.com, daily.news.itthon.ma, ebru.co.ke, today.ng, graffiotech.com, THEVOTINGNEWS, world.news.digitaltippingpoint.com, hoxforum, humanitariannews.org iyo kuwo kale oo badan, ayaa dhammaantood si wayn u baahiyey natiijada doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo tirada codadka ee ay kala heleen Saddexda Xisbi Qaran, iyadoo Xisbiga Kulmiye oo ah ka ku guuleystay tartankii doorashada uu ka helay codadkii dalka ka qabsoomay in ka badan 55%, halka uu Xisbiga Waddanina ka helay in ku dhaw 41%, Xisbiga UCID-na 4%, waxaanay Warbaahintani iftiimiyeen in goob-joogayaal caalami ah oo ka soo kala jeeda 27 dal ay caddeeyeen in doorashadii ka dhacday Somaliland tahay mid ay Afrika inteeda kale wax ka baran karaan.
Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee korka kala socday doorashadii Madaxtooyada oo tiradoodu dhammeyd ilaa lixdan [60] xubnood waxay qireen in doorashadu ahayd mid u dhacday si xor iyo xalaal ah, waxayna intaa ku dareen in aanay wax la xusi karaa ka dhicin goobihii codbixinta ee dalka oo tiradooda guud ahayd in ka badan kun iyo lix boqol oo goobood oo ah kuwii dadku ka codeeyeen.
Wakaaladda Wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganeysay war-saxaafadeed uu Madaxweynaha dalka jaarka ah ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ugu hambalyeynayey Madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu dalka Somaliland inuu hoggaamiyo muddada shanta sanno ee soo socota Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxay sheegtay inuu si wayn u hambalyeeyey Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sidoo kalena aad u ammaanay qaabkii ay u tartameen saddexda Murrashax ee Somaliland, doorkii codeynta ee dadweynaha iyo isku tanaasulkii la sameeyeyba, taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inay tahay guul usoo hoyatay dhammaan dadka Soomaalida.
Waxa kale oo uu intaa ku daray Farmaajo inuu u ballanqaadayo Madaxweynaha cusub ee Somaliland inuu kala hawlgeli doono sidii dib ay ugu furmi lahaayeen wadahadalladii istaagay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories