HomeQalinka AqoonyahankaDuur-xulka Ku-talo-galka ah (Constructive Ambiguity)

Duur-xulka Ku-talo-galka ah (Constructive Ambiguity)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Weli ma kugu dhacdey in aad akhridey heshiis laba dhinac oo hore isu hayey ka gaadheen khilaaf dhex yaalley, welise ma akhridey war-murtiyeed, ama baaq ay dawlad ama Xisbi siyaasadeed ka soo saareen arrin markaa jira, aadse akhridide; ma kugu dhacdey in aad fahmi weydo ujeeddada dhabta ah, amase ma aragtey arrimo is-khilaaf kuugu muuqda oo ku dhex-jira qoraalladaas?

Haddii aad aragtey, oo mooddey in ay tahay khalad fekerka ah, mid daabacaadda ah ama/iyo mid siyaasadeed, waxad ogaataa in ay tahay KU-TALO-GAL, leh aasaas siyaasadeed iyo ujeeddo fog.

Dhulka loo yaqaan Bariga dhexe, gaar ahaan colaadda u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israel waxay soo taxnayd muddo qarni ku dhow, waxana laga gaadhey heshiisyo tiro-beelay, ka soo bilaw Count Folke, illaa laga soo gaadho Camp David. Haddaba inkasta oo aan weli la helin qorshe leh midho-dhal rasmi ah, haddana dhexdhexaadiyeyaashu waxay u arkaan in loo sii durkayo dhanka nabadda, iyada oo ay dagaallo lagu dhib mutay dheceen, haddana intaaba waxa miiska wada-hadalka yaalley sabaalo iyo sasabaad leh fikrad diblomaasiyadeed.

Ugu horeyn, dedaalladaasi waxay intooda badan ahaayeen kuwo leh jewi aan xasiloonayn, halkaas oo dhexdhexaadiyeyaasha ay la kulmayeen arrimo furdaamintoodu adagtahay, arrimahaas ayaa waqtiyo badan xeerbeegtida ku qasabtey in ay soo saaraan heshiisyo illaa hadda la isku khilaafsan yahay oo aan lahayn qodobbo si cad u tilmaamaya, waxa la yeeleyo, xilliga la yeeleyo iyo sida loo yeeleyo.

waa markan oo kale xilliga loo baahdo fikraddii diblomaasiyadda ee “Constructive ambiguity” oo ah “Duur-xul ku-talo-gal ah” ama “Madmadowga qoraalka ee togan” Waa fikrad uu asalkeeda lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Mareekanka Henry Kissinger, ahna qoraagacaanka ah ee buugaagta: On China, Diplomacy iyo World Order oo safka hore kaga jira foolaadka cilmiga siyaasadda dibedda.  Kissinger wuxuu qayb ka ahaa dedaallo si xeelad ah loogu heshiisiiyey dhinacyo is-khilaafsanaa, waxana lagu xasuustaa war-murtiyeedyo leh duur-xul ku-talogal ah (Constructive ambiguities)

Aan u markhaati doonto Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 242 (UN Security Council Resolution 242), kadib dagaalkii Lixda Maalmood ee ay guushu ku raacdey Isreal, waxa ka dhashay gorgortan siyaasi ah oo u dhexeeya quwadihii fadhiyey Golaha Ammanka ee QM, heshiis ayaase ka soo baxay, inkasta oo heshiiskaasi ahaa mid ay ka muuqato janjeedh badani, waxa sidoo kale intaa weheliyey dhibaato ka dhalatey fasirka heshiiskan oo aan la isla waafaqin, hordhaca qoraalkan ayaa odhanaya ” … Dhismaha nabad waarta oo Bariga Bhexe ahi waxay ku xidhan tahay fulinta qodobbadan:

1) withdrawal of Israeli armed forces from territories occupied in recent conflict; oo nuxurkeedu yahay in Isreal ay ciidamadeeda kala baxdo goobaha ay xoogga ku qabsatey muddadii uu socdey khilaafkani.

Wakhti dheer ayay qaadatey in la fahmo qodobkani waxa uu dhab ahaantii u jeedo, ma waxa uu u jeedaa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulkii ay khilaafka ku qabsatey? ma waxa uu u jeedaa in ay ka baxdo dhulkii ay ku qabsatey khilaafkii ugu danbeeyey ee dhacay, dhab ahaantii marka lagu akhriyo luqadda Ingiriisida ee uu qoraalkani asal ahaan ku qornaa, ma cadda waxa loo jeedaa, inkasta oo haddii loo turjumo luqada Faransiiska ay arrintu sidaa ka duwan tahay.

 

Dhanka kale, waqtigii dhexdhexaadinta China iyo Taiwan, mid ka mid ah war-murtiyeedyada laga soo saaray oo la odhan jirey “War-murtiyeedkii Shanghai” ee soo baxay February 1972, Berigaas oo uu Madaxweynihii Mareekanka Richard Nixon u boqoolay China, isla markaana Henry Kissinger ahaa Dhexdhexaadiyaha, waxa la aaminsan yahay in Mareekanku si ku-talo-gal ah jumladdan ugu darey heshiiska “The United States acknowledges that all Chinese on either side of the Taiwan Strait maintain there is but one China and that Taiwan is a province of China.” Jumladdan ayaa muujineysa in Mareekanku taageersan yahay siyaasadda ah “One China” oo ah midnimada China, diidan yahayna goonni-isu-taagga Taiwan, arrinkaas oo weji-gabax ku noqon karta Taiwan. Dhanka kalena, waxa meesha ku jira ereyga “But One China” oo macnaha jumladda iyo taageerada Mareekankaba ka dhigi kara mid sida hore ka duwan.

Sidoo kale, War-murtiyeedkii Xisbiga WADDANI ka soo saaray arrimaha Bariga dhexe ee ku taariikhaysnaa 12kii June, 2017 ee uu kaga hadlayey qalalaasaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya waddamada Gacanka iyo Qatar ee sababay cuna-qabateynta ay Waddamada GCC ku soo rogeen Qatar ayaa u muuqdey mid saldhiggiisu ahaa fikraddii uu aasaaskeeda lahaa Henry Kissinger ee saldhiggeedu ahaa Duur-xulka diblomaasiyadeed iyo is-banbaaninta fog ee “Constructive Ambiguity” oo cilmiga siyaasadda dibedda iyo xallinta/xakamaynta khilaafaadka u ah dawo-diblomaasiyadeed, waxay u muuqataa in War-murtiyeedkani dhanka adayga fahamka kala sinnaa heshiisyadaas aynu kor ku soo sheegnay ee taariikhiga ahaa, maadaama ay wadaageen fekred diblomaasiyadeed oo isku mid ah.

Ugu danbeyntii, maadaama oo arrimaha siyaasadda dibeddu yihiin kuwo wajiyo iyo dano badan (complex and conflicting interests), maadaama oo nuxurka dhexdhexaadinta, ama meel-iska-taagga khilaafyadu uu yahay mid ka mid ah xakamaynta ama xal-u-helidda khilaaf kasta, maadaama oo la tijaabiyey go’aanka qayaxan iyo is-mutuxu in aanu siyaasadda [dibedda] meel ku lahayn, xirfadda qoraal-dhigga heshiisyada iyo war-murtiyeedyadu waxay noqotey saynis tijaabo gal ah oo ka-fiirsi mudan, sidoo  kalena wax dhisi karta, waxna dumin karta. Duur-xulka ku-talogalka ah (Constructive Ambiguity) iyo madmadowga qoraalka ee togan ayaa Jaamacadaha iyo cilmiga dhexdooda ka noqday arrin dood dhalisa, isla markaana, kadib heshiisyadii ganacsi ee Mareekanka iyo Australia iyo kuwii Korea iyo Mareekanka ee waqtiga badan loo fadhiyey waxay sabab ka mida kuwa ugu weyni ahayd sida la isula fahmayo qoraal-dhigaalka hadalka, iyada oo ay taasi markii danbe dhalisay in arrinkan lagu daro Sharciga Caalamiga ah, laguna taliyey in loo daadejiyo siyaasadaha gudaha ee dalalka.

Dhammaad

Abdirashid Jeeni

Falanqeeye, Xidhiidhka Caalamiga ah

Ajeeni@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories