HomeSomali NewsSomaliaDowladda Soomaaliya Oo Burisay Heshiiska Shirka Wada-hadallada Jabuuti

Dowladda Soomaaliya Oo Burisay Heshiiska Shirka Wada-hadallada Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo Hadal ka jeediyey Muqdisho, ayaa heshiis taariikhi ah oo midnimada Soomaaliya lagaga shaqaynayey ku tilmaamay Shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadkan ku qabsoomay Magaalada Jabuuti.

Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in Sannadkii hore ee 2023-kii ahaa Sannad Waxqabad oo Guulo la taaban karo ay gaadhay Dowladda Soomaaliya, waxaanu Xusay inay Guulahaas ka mid yihiin Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku dhexmaray Magaalada Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob oo ay saxeexeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha Labada Dowladood.

Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba burinaya qodobbo ka mid ah qodobbadii ka soo baxay shirkaas, waxaanu hadalkani si toos ah uga hor imanayaa qodobbada 3aad iyo 7aad ee war-murtiyeedka.

Qodobka Saddexaad ee heshiiska labada dhinac, ayaa sheegaya in labada dhinaca si wada-jir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dowladood laga soo bilaabo 2012-kii oo shirkii u horreeyey ku qabsoomay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyo Shirkii u dambeeyey oo Sannadkii 2020-kii ku qabsoomay dalka Jabuuti, kuwaas oo dhammaantood aan lagu soo hadal-qaadin Arrimo khuseeya Midnimada uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Halka Qodobka 7aad ee War-murtiyeedku sheegay in labada dhinaca ka fogaadaan hadallada iyo qoraallada wax u dhimanaya geeddi-socodka wada-hadallada labada dowladood.

Xukuumadda Somaliland ilaa hadda kamay hadal hadalka ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo wax weyn u dhimaya geeddi-socodka wada-hadallada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories