HomeDEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Isku-shaandheyntii Ugu ballaadhneyd ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada; QAAR...

DEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Isku-shaandheyntii Ugu ballaadhneyd ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada; QAAR UU ERYEY, KUWO CUSUB OO UU MAGACAABAY IYO QAAR UU ISKU BEDDEL KU SAMEEYEY

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

madaxweyne-siilaanyo3Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay isku-shaandheyntii ugu ballaadhan ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, isaga oo masuuliyiin hore uga tirsanaa xukuumaddii UDUB ku soo daray golihiisa Wasiirrada

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur), Warshadaha, Cabdirisaaq Cali Cismaan, Caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Cali Cilmi Geelle. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga, Aaden Diiriye Cigaal, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cali Xaamud Jibriil.

Md Siilaanyo waxa uu xilal u magacaabay shakhsiyaad ku cusub saaxadda Siyaasadda Goleyaasha Xukuumadda, halka uu sidoo isku beddel ku sameeyey xilalka masuuliyiin hore uga tirsanaa xukuumaddiisa.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire, ayaan lagu xusin digreetada madaxweynaha in Xilka laga qaaday, sidoo kale laguma xusin xil cusub oo loo magacaabay.

Masuuliyiinta uu Xilalka u magacaabay Madaxweynuhu

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancade

3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Shugri X. Ismaaciil Baandare

4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac Abgaal

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Axmed Cabdi Kaahin

7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada, Aaden Axmed Warsame

8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Xuseen Maxamed Cabdille

9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees

10. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari, Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Axmed Nuur Faahiye

12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Xasan Daahir Dhinbiil

13.  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Beeraha, Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Shugri Xariir Ismaaciil

15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdi Daahir Camuud

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Bashiir Cabdi Xariir

18.  La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka), Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka), Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu Xilalkii Ay Hayeen Uu Ka Beddelay, Una Magacaabay Xilalkan:

1. Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka)

2. Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa loo bedelay Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka,

3. Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa loo beddelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga)

4. Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta).

5. Wasiirkii hore ee W/faafinta, Abiib Diiriye Nuur (Timacade), waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha)

6. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

7. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta)

8. Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada)

Masuuliyiinta uu madaxweynuhu Xilalkii Ay Hayeen Ka Nasiyey

1. Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

2. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha, Cabdirisaaq Cali Cismaan

3. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

4. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Cali Cilmi Geelle

5. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga, Aaden Diiriye Cigaal

6. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cali Xaamud Jibriil.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories