HomeSomali NewsSomalilandCali Warancade oo difaacay Masuuliyiin loo xukumay Musuq-maasuq

Cali Warancade oo difaacay Masuuliyiin loo xukumay Musuq-maasuq

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warrancade, ayaa si aan caddeyn u difaacay masuuliyiin dhawaan ay xukunno ku ridday Maxkamadda Gobolka Hargeysa, kuwaasoo lagu helay lunsi hanti qaran sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Cali Waran-cadde oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa carrabbaabay inay dhutinayso Caddaaladda, isla markaana waxa uu si dadban u difaacay masuuliyiinta ay Maxkamadda Gobolku xukuntay, isagoo ku dooday inay masuuliyiintaasi ahaayeen shaqaale dawladeed oo ay jireen cid awoodda uga sareysay, kuwaasoo uu Cali Warrancade su’aal galiyay inay lug ku leeyihiin dembiga loo xukumay xubnahaas iyo inaanay lug ku lahayn.

Guddoomiyaha Garabka Siyaasadda Xisbiga UDUB Cali Maxamed Warrancade oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Sida aynu ognahay caddaaladu waa lafdhabarka aasaaska dawladdnimo, wadankii caddaalad laga waayaana aayahiisu wuxuu noqdaa midaan waxba ka jirin oo ah baaba’ iyo dhibaato ayuu u horseedaa. Caddaaladuna waxa weeye waxyaabaha ay dawladduhu ku dhisan yihiin shucuubtooda iyo maamulkooduna uu isku ogolyahay caalamka, haddii ay markaa ka dhexbaxdo dawladda iyo shacabkeeda caddaaladu waxay noqonaysaa khatar wadankeena ku soo fooleh.” “Runtii dawladdi waxay dawladd ku tahay ee ay shacabka kaga adag tahay waa caddaalada haddiise caddaalad la waayo marka dawlad iyo shacab la eego waxa adag shacabka, markaa si dawladda iyo kala dambayntu iyo nidaamku inooga lumin waxa weeye inay dawladu mudaanta koowaad saarto caddaalada sidii loo heli lahaa.” ayuu Cali Waran-cadde.

Mr. Waran-cadde, oo ka hadlaya qaabka loo xukumay masuulkii maamulka iyo lacagta ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo Agaasimihii xarunta Agoomaha Hargeysa, waxa uu yidhi; “Waxaynu beryahanba aynu ka maqlaynay warbaahinta kiis lagu qaaday nin ka soo jeeda gobolka Awdal gobolka odayaashiisa iyo dhalinyaradiisa iyo waxgaradkiisa ay muddo dheer oo lix bilood ah ay soo dhawaaqayeen oo aynu ka dhegaysanaynay warbaahinta. Laakiin ay muddo dhaw uu ku dhacay xukun, iyadoo ay jiraan dad badan oo loo qabtay lunsi hantiyeed ama mid ummadeed ama mid xukuumadeed oo aad moodo qaylada ninka ka soo yeedhay awgeed ay tani aad uga duwanayd oo ay tani si kale uga duwanayd Mr Ibraahim waxyaabaha runtii aniga dareenka igaliyay waxa weeye iyadoo aan aad ug warhayo caddaalada dalkeena oo ay dhutis leedahay.”

“Haddana runtii arrinta aan aad ula yaabay waxa ka mid ah waxa ninkan lagu eedeeyey inuu lunsaday maadaama uu ahaa Agaasimihii maamulka wasaaradda waxbarashada, hanti badan oo gaadhaysay boqol iyo googo kun oo dollar  iyo ilaa boqol milyan oo Somaliland shillin ah. Lacagta marka la eego runtii waa lacag fara-badan, hase yeeshee waxay iswaydiintu tahay badhitaankan soo baxay iyo xukunkan ku dhacay ninka odayga ah waxa aad u kala fog iyo sida loo xukumay iyo waraaqaha documentiga ah ee ina horyaalla oo aanu doonanay inaanu soo xaadhno, waxa halkan ka muuqata ninkani muu ahayn ninka hay’ada ama wasaaradda warbarashada u sareeyaa waxa uu ahaa nin shaqaalaha ah oo heer dhexe ka jooga wasaaradda, marka wax ka hooseeya iyo wax ka sareeyaaba way leedahay. Waxaan layaabay wax weeye kuwii ka hooseeyey ee uu Agaasimaha u ahaa waxay leeyihiin wixii ninkaasi noo dalbay wuu nasoo gaadhsiiyay, haddaba hadday taasi jirto oo uu wax lunsaday, maxaa dadkii kale ee ka hooseeyay ama ka sareeyay ka dhexsaaray lunsiga hantida.” ayuu yidhi Cali Maxamed Warrancade Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories