Al-Shabab oo ku ballanqaaday inay xanuunjin doonaan TFG & Madaxda Muqdisho oo ku baaqay in lala jihaado

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Muqdisho,  (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro dheeraad ah, ka dib qaraxii lagu hoobtay, sidaana waxa la sheegay in laga soo xigtay afhayeenka kooxddaas Cali Maxamuud Raage.

“Waxaanu ballan ku qaadaynaa in weerarada aanu cadowga kala horjeednaa ay noqon doonaan kuwo soo noqnoqda maalinba maalinta ka dambaysa,” sidaa waxa la sheegay inuu yidhi Mr. Raage oo u waramayay Idaacad lagu magacaabay Al-Andalu.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa ku baaqay in shaqaalaha gargaarka bani’aadaminimo aanay banaanka ka taagnaan adeegyada dadka abaaruhu aafeeyeen, ka dib weerarkii dorraad dhacay ee is-qarxinta ahaa. “Beesha caalamka ee deeq-bixiyeyaasha ahi waa inaanay dhimin taageeradooda ay u geysanayaan dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi Mr. Cabdiweli, ka dib markii la waydiiyay su’aal la xidhiidhay inuu cabsi ka qabo inuu weerarkaasi khasab kaga dhigo shaqaalaha gargaarku inay dalkaas ka baxaan.

“Waxaanu hubin doonaa inay ciidamadayada amaanka iyo boolisku ay aad u shaqeeyaan. Dawladda TFG wax aka go’an inay cidhib tiraan cabsida.”

Inkasta oo ay khubaradu ka digayaan weerarada Al-shabaab iyo inaanu dagaalkaasi ku dhamaan inay ka baxeen Muqdisho, hadana Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxa uu ku adkaysanayaa inay lumiyeen taageeradii dadweynaha. “Al Shabaab waxay lumiyeen quluubtii dadka Soomaaliyeed. Immikana waanu ogayn inay weerarada noocan oo kale ah qaadayaan: is-qarxin miidaamo ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waa inaanu is-diyaarinaa, isla markaana waa inaanu hubinaa noocyada weeraradani inaanay mar kale dhicin,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Somalilandpost.news

Contact@somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This