HomeXukuumadda Somaliland oo sii xoojisay go’aankeedii ay kaga qayb-qaadanaysay Gurmad taakulo ee...

Xukuumadda Somaliland oo sii xoojisay go’aankeedii ay kaga qayb-qaadanaysay Gurmad taakulo ee dadka Abaaruhu ku dhaceen ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost) ~ Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa hadlay natiijada ka soo baxday guddigii xukuumadda ee uu dhawaan u magacaabay takaakuleynta Abaaraha ku habsaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxa uu sheegay inay xukuumaddu Dekedda Berbera u fasaxday cid kasta oo taakulo gaadhsiinaysa dadka abaaruhu halakeeyeen ee Soomaaliya.

Shirkani jaraa’id oo ay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayeen Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday  iyo Guddoomiyaha Hay’adda ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERED.

blank
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay ka qayb qataan gargaarka loo fidinayo dadka Soomaalida ah ee Macaluushu ku hayso dalka ay jaarka nahay ee Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Koonfurta, waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya, “Waxaan shirkan jaraa’id u qabanay anaga oo ka adkaysan kari waynay dhibaatada Haysata Umadda Soomaalida ah ee ku nool Koonfurta dalka Soomaaliya. Runtii waxa sii xumeeyay dhibaatadaas dhinacyada iskaga soo horjeeda Awoodaha dalkaas oo sii xoojisay abaarihii iyo macaluushii ka jirtay, taas ayaanu ka adkaysan kari waynay anaga oo og in umadda Soomaaliyeed aanu wada nahay dad Islaam ah oo jidhku iskugu kaayo yaalo oo aanu walaalo nahay.”

Waxa uu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa, “Waxaanu go’aan ku gaadhnay in aanu ka qaybqaadano wixii itaalkayaga ah ee ku saabsan taakulaynta umaddaas macaluushu ku habsatay oo aanu wixii itaalkayaga ah taageerno haddii aynu nahay reer Somaliland. Waxaanu abuurnay guddi heer wasiirro ah oo farsamo ahaan ka soo tallo bixisa sida ugu habboon ee aynu ku taakulayn karno dadka Soomaalida ah ee u dhimanaya Macaaluusha.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu uu dadka reer Somaliland ugu baaqay  inay ka qayb qaataan  taakulaynta dadkaa macaluusha la daalaa dhacaya,  waxaana uu yidhi, “Xukuumad ahaan, waxaanu go’aansanay in marinkeena Dekedda Berbera ay  u furnaato wixii caawimo ah ee loo wado dadka Macaluushu hayso ee Soomaaliya, wixii fududaynayana  aanu sameyno.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories