HomeXukuumadda oo maamul-goboleedka Puntland shuruud la’aan kaga dalbatay inay ku sii daayaan...

Xukuumadda oo maamul-goboleedka Puntland shuruud la’aan kaga dalbatay inay ku sii daayaan masuuliyiinta u af-duuban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa hanjabaad iyo digniin u jeediyey Maamul-gobolleedka Puntland oo shalay si lama filaan ah u weeraray Wefti ka socday dawladda Somaliland, kuwaasoo khasaare naf iyo afduub isugu jira loo geystay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo si wada-jir ah shir  Jaraa’id xalay ugu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa hanjabaad iyo digniin u diray maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasoo ay tilmaameen inay jabiyeen jidkii nabadda iyo wada shaqayntii ka dhaxeysa labada maamulkaas iyo Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka warramay ujeeddada Weftiga ay weerareen malleeshiyaadka ka amar-qaata maamulka Puntland, waxaanu Wasiirku tilmaamay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii maamulka Puntland uu ka noqon waayo arrinta ay malleeshiyaadkaasi ku kaceen. “Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo aannu ku heshiinnay inuu magaalada Taleex oo eheladiisii iyo dadkiisii soo salaamo, waxna kasoo qabto, jid-gooyo ayaa loo sameeyay, waana laga war helay, dad magaalada joogay oo sii sheegay saacadda uu biaxayaana way jiraan sidii loogu sii gali lahaa jid-gooyo, waana loo sii galay, markaa shil baa dhacay dad baa dhintay, dadna waa dhaawac, dadkaa dhintay iyo kuwa dhaawacmay dad hub sita may ahayn, dad colaad u socdana may ahayn, waxay doonayeen inay magaaladoodii Taleex gaadhaan oo eheladoodii ay u tagaan. Taas waxaan odhan lahaa Puntland way ku qaldantay, arrintaasina nabadgelyadii aannu u wada soconay ee aanu ku wada shaqaynaynay way jabisay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiir Xaabsade inay tallaabo ku habboon qaadi doonaan haddii aanay Puntland ka noqon oo aanay qaadan dhibaatada ay geysteen. Waxaanu baaq u diray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ku jiray dhexdhexaadin nabadeed. Xaabsade oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxaannu leenahay Puntland haddii aanay ka noqon dadkaana soo deyn tallaabaannu annaguna qaadaynaa, ka dib nabadgelyadiina halkaasay ku lumaysaa cidna dan uma aha arrintaasi. Waxaanu leenahay reer Puntland ka noqda waana la weeraray, markaa waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhexdhexaadinaysay nabadgelyo, waxaanu u sheegaynaa in nabadgelyadii ay jabiyeen, haddii aanay ka noqon wixii ka yimaadda iyagaa masuuliyadeeda qaadaya, Itoobiyana waannu u sheegaynaa.”

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo isaguna ka hadlay shirkaa jaraa’id, ayaa hadallo hanjabaad iyo digniin isugu jira u diray maamulka Puntland. “Horta ummadda waxaannu u sheegaynaa inaanu wax dagaal ahi dhicin, Ragga xaggaa ka yimi iyo Ragga xaggan ka tagey Rag isku qoys ah ayey ahaayeen oo warka loo kala gudbinayay, jid-gooyo ayaa loo galay Weftigii uu hoggaaminayay Xildhibaanku, waxaanu leenahay maamulkaas oo aanu u sheegaynaa cid ka dayac badani ma jirto. Madax gobolladaas marta iyaga ayaa ugu dayac badan, waxaanu u sheegaynaa madaxda la hayo haddii degdeg loo keeni waayo tallaabo iyo waajibaad wixii nagaga aaddan ayaannu ka qaadanaynaa oo cidna aannaan uga joojinayn oo ay caqligoodana u sheegaan oo ay degdeg u soo celiyaan gaadiidkayagii, dadkayagii iyo dhaawacyagiiba.” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynuhu Maxamed Muuse Abees.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories